Waxyaabihii looga hadlay maalinta gabdhaha caalamka ee sanadkaan oo shalay loo dabbaal dagay

Bulsha:- Shalay waxay ku beegneyd maalinta loo dabbaal dago hablaha caalamka.

Waxaa la sheegay ama la xusay in gabdho yaryar oo toban jir ah la guursado meelo kala duwan oo dunida ah.

Gabdhaha ayaa waxaa hayadaha samafalku sheegeen gaar ahaana weliba Save the Children in rag aad uga da’  weyn loo guuriyo.  Dalalka ugu badan  waxay sheegtay hayadaasi ee gabdhahaa intaa jira lagu guursado  inay yihiin Hindiya, Soomaaliya, Yemen iyo Afghanistan.

Qaxootiga Suuriya iyo Lebanon ayaa gabdhahooda oo yaryar rag u guuriya si ay wax uga helaan raggaa maadaama ay dhibban yihiin.

Dalka Nigeria 40% gabdhadha cidaha faqiirka ah waxaa badanaa lagu guursadaa 15 sano jir.

Guud ahaan dalalka saboolka ah ama dagaalada sokeeye ka jiraan gabdhaha ayaa waalidiintu badi aysan wax barin baddalkoodiina wiilasha ayaa iskoolada loo diraa ayana guryaha ayaa inay ka shaqeeyaan loo reebaa.

Waalidiinta ayaa sheega in gabdhaha hadii wax labaro ay hadhoow nimankooda iyo qoysaskooda ku anfacyaan ee aysan ayaga ku anfaceyn.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment