Gabar 12 la uureeyay, waxaa uureeyay nin 40 jir ah

Bulsha:- Maalmo kahor waxaa aduunka dhan laga wada hadal haayay saaxafada caalamkana safiican uga wada hadleen gabar 12 jir ah oo uur yeelatay oo timid isbitaal ku yaalo magaalada Xozhou, Gobolka Jiangsu ee China. sida lagu qoray asiantown.net, gabadhaan oo wali aad u yar jirtana 12 sano kaliya waxay leedahay uur sadax bilood ah, waxaa taas ka sii daran oo dadkii kasii yaabiyay, markii ay uurkeeda iska baareysay isbitaalka waxaa garab socday oo waday ninka uureeyay oo 40 jir ah oo la ogaaday markii danbe inuu ninkeeda yahay.


Ninkeeda ayaa wuxuu sheegay iney gabadhaan yar jirto 20 sano laakiin qolada isbitaalka oo arintaas ka shakiyay ayaa sheegay ineey gabadhaan oo aad u yar ay jirto 12 sano kaliya ayna ka wal walsanyihiin ineeysan xamili karin uurkaan maadaama gabadhaan aad u yartahay waa 12 sano jir kaliya.


Photo: Copyright asiantown.net gabadha 12 jirka oo uurkeeda labaarayo

sawir lagu faafiyay aalada social ka ayaa gabadhaas muujinaya ineey gabadhaan aad u yartahay caloosheedana ay sii weynaaneyso aadna ka dareemeyso ineeysan xamili karin uurka sadaxda bilood ah xitaa,

markeys ibitaalka imaneysay waxay kaloo lasocotay islaan waayeel ah oo sheegatay ineey tahay sodohda gabadhaan yar 12 jirka ah.

arintaan oo ka fajacisay qolada isbitaalka ayaa markii danbe wacay police ka dag daga ah si ay arintaan u baaraan, kadib markuu police ki yimid waa la qabtay ninkii 40 jirka ahaa ee sheeganaayay inuu qabo gabadhaan yar iyo naagtii sheeganeysay iney sodohda gabadha tahay. 

Natiijada gabadha 12 jirka la uureeyay :Photo: Copyright asiantown.net

Police ka china wuxuu sheegay iney gabadhaan u dhalanin china maxaa yeelay maku hadli karto ayay dheheen luqada china.

ninka afartan jirka uureeyay gabadha 12 jirka iyo naagta sheegatay sodohnimada oo isbitaalka lagu qabtay| Photo: Copyright asiantown.net

waxaa looga shakiyay gabadhaan yar in lasoo xaday lagana soo iibsaday wadanka vietnam ee china daris la ah. waxay kaloo sheegeen police ka ineey ku daba jiraan dadka ka ganacsada ilmaha yar yar ee lasoo xaday suuuqa madowna ku kala gada, waayadaan danbana ay soo badaneysay siiba dadka laga ganacsado ee laga keeno Vietnam ayay dheheen police ka china (Aadan yo)

W/Q: Aadan yo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment