5 Hab oo aad ku yeelan karto faruuryo Qurxoon.

Bulsha:- Ma rabtaa inaad ka takhalusto farruuryaha madoow oo aad yeelatid bushimo u guduudan sida ubaxa oo aad u qurxoon?. Farruuryaha waxaa madoobeeya dhuuqidda sigaarka, Kafeega, Shaaha, Aalkolada, qoraxda, iyo cimilada huurka ah.

Haddaba si dabiici ah ayaa farruuryahaaga madoowga looga baabi’in karaa, waxaana ka mid:


1: Liinta

Cabitaanka Liinta ayaa ah midka ugu fiican ee jirka dhalaaliya, waxaa ku jira maaddo iftiimisa farruuryaha. Ku cadaadi liinta farruuryaha ka hor inta aadan seexan kadibna subaxdii biyo isaga dhaq, wad illaa muddo hal bil ah arrintan illaa aad aragto isbeddel.

-Soo qaado laba qaaddo oo casiirka liinta ah, malab iyo glycerin ku shub weel kadibna isku qas mari faruurta ka hor jiifka, subaxdiina biyo isaga dhaq.

FG; Haddii liin dhanaan loo isticmaalo faruuryaha madoow ama qolfaha leh waxay sababi kartaa xanuun iyo cuncun.

TALADAADA AMA ARAGTIDAADA HOOS KU QOR.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment