Ma taqaan Cuno kobciya timaha, Qurux u yeesha?

Bulsha:- Waxaa lagama maarmaan ah inaad miisaanto Fitimiinada iyo macdanta aad isticmaasho si timahaagu ay u nuuraan marwalba islamarkaasina awood ama xoog u yeeshaan, haddaba waxyaabaha ay tahay inaad isticmaasho si timahaagu ay u qurxoonadaan waxaa ka mid ah;

1. Afokaadho

Avocado-du waxay ka mid tahay cuntooyinka ay aad u badanyihiin faaidooyinkooda caafimaad. Faaidooyinka avocado-da waxaa ka mid ah inay ka hor tagto in timuhu daataan isla markaana ay kobciso koritaankooda. Avocado-du waxay hodan ku tahay fiitamiinada B iyo E kuwaasoo ilaaliya sidoo kalana xoojiya timaha.



2. Hilibka Malaayga

Noocyada kala duwan ee kalluunka badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo barootiin. Sidoo kale, kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo weyn u ah korriinka timaha oo aanay badanaa dadku si fudud u heli karin.

3. Qudaarta Mirooleyda ah

Khudaarta miraha leh sida cambaha, liinta iyo saytuunka ayaa la ogaaday in ay aad ugu fiican yihiin timaha, waayo waxa ka buuxa macdanaha ay ka mid yihiin Biotin, Omega-3 iyo Zink, waxaana ay horseedaan in qofka timahiisu noqdaan qaar caafimaad qaba oo nafaqadu ku badan tahay, iyadoo miraha qudaarta uu aad ugu badan yahay borootiinka.

4. Saliidda Malaayga ama Kalluunka

Haddii aad doonayso timo jirridoodu adag tahay, aadna u ifaya, waxaad cuntada ku darsataa amma isticmaashaa saliidda kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines. Waxa kaloo saliidda kalluunka ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad jidhkiisu u dhalaalayo.

Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliiddan ku jirta, waxaanay ka hortagtaa in timuhu qofka daaataan. Waxa kale oo ku jira saliidda kalluunka barootiin aad muhiim ugu ah korriinka iyo dhumucda timaha dadka.

5. Lowska

Sida la xaqiijiyay Lowsku waxa aad ugu badan booratiinka iyo macdanta la yiraahdo Zinc, iyadoo timaha uu ka dhigo kuwo leh xididdo adag oo aan si fudud u go’in oo leh xoog badan.

Gaar ahaan Lowska lagu magacaabo Selenium ee ka baxa dalka Baraasiil waxaa ku badan macdanta oo waxaa ku badan midda timaha guntooda adkaysa, kana difaacda inay daataan. Haddaba cunista lowska oo la joogteeyo waxay sahal ka dhigtaa in qofku helo timo aad u qurux badan oo caafimaad qaba.

6. Ukunta

Ukunta ayaa ka mid ah waxyaabaha looga hortago in timuhu ay daataan waayo waxaa ku jira Borotiin badan, waxayna aad ugu fiican tahay koritaanka timaha sababtoo ah waxaa ku jira maaddada lagu magacaabo Biotin oo mas’uul ka ah koritaanka timaha.
Dhanka kale ukunta ayaa ah isha laga helo Fitimiin B12, kaasoo la’aantii qofka ay ku dhacdo dhiig la’aan iyo timaha oo daata.

7. Caano ciir ah

Caanaha ciirta amma kuwa kale ee la fadhiisiyey waxa aad ugu badan macdanta Calcium, waana mid ka mid ah waxyaabaha timaha sida fiican u koriya.

Waxa kaloo ciirta ka buuxa barootiinka, waxaanay labanlaabtaa qarada timaha, waxaanay qofka si fiican caanahan u isticmaala timahiisu noqdaan qaar jilicsan oo aad u qurux badan

Goobjooga.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment