Bulsha:- Bollywood Mantra ayaa sheegay in dawlada India ku dhawaaqday in aan laga daawan doonin wadankeeda filmka cusub ee Ae Dil Hai Mushkil ee ay xidigaha matalayaa yihiin Boqorada quruxda aduunka Aishwarya Rai, Ranbir Kapoor, Anoshka Sharma iyo xidiga u dhashay Pakistan ee Fuad Khan.
Arinkan oo oo la sheegay inuu ku hayo salka sababo siyaasadeed maadama xidig Pakistan u dhashay ku jiro filmka iyadoo dagaal ku dhex maray ayaamihii ina soo dhaafay Kashmir ciidanka India iyo budhcad hubaysan oo lagu eedeeyey inay kasoo jeeden Pakistan.
Filmkan aya sheekadiisu ku socotaa Ranbir oo ku metalaya fanaan oo jecelaanaya laba hablood Aishwarya iyo Anoshka Sharma waxaana lagu dhawaaqay in filmkan aduunka laga daawan doono 28October.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment