Bulsha:- Waxaa la yiri Labadii mar ahaan jireen lamaanaha ay Bollywood-ka ku daydaan ama ku riyoodaan inay sidooda camal u dhaqmaan ayaa si la yaab leh ku kala tageen sanadkii hore.
Waxaan ka hadleynaa Sussanne Khan iyo Super Star Hrithik Roshan oo mudo 15-sano ah guurkii ka dhaxeeyay sanadkii hore soo gaba gabeeyeen.
Ugu dambeyntii Sussanne Khan ayaa saxaafada kala hadashay sababtii ay seygeedii hore ku kala tageen una go’aansatay inay nolosha kaligeed ku noolaato mudo labo sano kadib ayay gabadhaan hadashay.
Sussanne Khan waxay tiri “Waxaan gaarnay marxalad nolosheena ay ku wanaagsan tahay inaan kala tagno, waxaa muhiim ahayd inaan runta wajahno oo aan meesha ka saarno nolol been ah oo aan lagu wada faraxsaneyn jiritaankeeda”
“Haatan waxaan nahay saaxiibo dhow, inta badan waan wada sheekeesanaa, laakiin kulan ma wada qaadano, laakiin wax walbo waxaa ka muhiimsan inaan nahay waalid ubadkooda daryeelaan”
“Waxaan isku heynaa xushmad balaaran labadeena, marka ay caruur lamaane ka dhaxeyso waxaa muhiim ah in qilaaf kasto meel la iska dhigo sidoo kalena aan caruurteena daryeelno”

“Hrithik waa saaxiib igu weyn xiligaan laakiin ma ahan lamaane igu weyn waayo wax walbo si dabiici ah ayay u dhamaadeen”.
Hrithik iyo Sussanne waxay is guursadeen sanadii 2000 waxayna labadaan lamaane waalid u yihiin labo wiil oo lagu kala magacaabo Hrehaan iyo Hridhaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment