Bulsha:-Weerar aashito oo naxdin leh ayaa bedelay nolosha Xasiina Xuseen kaasoo ka qaaday arageedi iyo muuqaalki jirkeeda. Wuxuu ahaa Madaxi shirkad ay u shaqeynaysay, wuxuu ka dalbaday inuu guursado, way ka diiday.
Goortii uu isku dayay inuu cadaadis saaro ayay shaqadiisi isaga tagtay. Mudo ka dib ayuu xafiiskeedi cusbaa oo ay furatay ugu soo galay, isagoo gacanta ku sita daasad weyn oo Aashito ka buuxdo, dusha ayuuna kaga shubay, isagoo leh; “Ima aadan dhageysan… hada arag sida aad noloshaada ugu noolaan doonto sidan oo kale.”
Qeyladi xanuunka ahayd ee ka baxeysay ayaa wadada gaartay. Gabar ayaa u kaxeysay cusbitaal gaar ah kuwaasoo u diiday inay daweeyaan ilaa ay lacag dibaaji ah bixiyaan. Waxaa loola cararay Cusbitaal kale oo Dowlada leedahay kuwaasoo bilaabay inay daweeyaan 3 cisho ka dib, xilligaa infection-ki wuxuu mar hore ku faafay oo gubay jirkeeda 70%. Ilaa 35 qaliin ayaa lagu sameeyay, waxayna ku nooleyd cuno dareere ah keliya in la siiyo.
Sanad ka dib ayay gurigeeda ku soo noqotay iyadoo muuqaal ahaan, dareen iyo dhaqaale ahaanba baaba’day. Ma garaneyn wax ay sameyso. Iyada iyo reerkeedi waxay bilaabeen dacwad ninki sidaa yeelay ka dhan ah, waxaa lagu xukumay 5 sano oo xarig ah, taasoo ugu muuqan weyday cadaalad dhibti uu geystay. Sanado badan goorti ay ku jirtay inay Maxkamad iyo cusbitaal booqato, ayay Xasiina go’aansatay inay jiho cusub u yeesho nolosheeda, ma dooneyn inay nolosheeda ku lumiso sidaa oo kale.
Waxay ku biirtay Machad dadka naafada ah wax lagu baro halkaasoo ay ka baratay xirfado kala duwan. Tababar joogta ah ka dib, waxaa u muuqday fursad fiican, waxaa is bedelay siday nolosha u aragtay. Waxay shaqo ka heshay Xafiis Dowladeed, waxay qeyb ka noqotay NGO dadka u adeega. Maanta waa qofta keliya ee reerkooda ay ku tiirsan yiiin.
Waxay tiri, “Dabcan ma bedeli karo wixi dhacay. Waxaan rabay inaan noqdo qof sameysa dharka fashion-ka ah balse taasi hadda ma dhici karto. Laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan daryeelayo waalidkey taasoo ahayd ahmiyadeyda koowaad, waan ku faraxsanahy inaan noqday qof xoogan.”
Waxay kaloo tiri, “Waxaan rabaa in aan u sheego dumarka oo dhan in aadan daciif ahayn. Xitaa haddii laba litir oo aashito ah dusha lagaaga shubo, waxaa weli awoodaa inaad nolol fiican ku noolaato oo faraxsanaato. Ha u joojin noloshaada qof kale dartiis, taa bedelkeed tus in aan waxba ku niyad jebin karin ama dhulka ku soo dhigi karin,”
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment