Jaceylkii ka gudbay Qaaradaha: Waa Qiso Jaceyl oo dhex martay wiil Turkish ah & Gabar Brazil kasoo jeeda

Bulsha:- Qisadaan Jaceyl oo caan ka noqotay dunida islamarkaasna qabsatay Jaraa’idyada ugu caansan, ayaa waxeey dhex martay Wiil u dhashay dalka Turkiga iyo Gabar kasoo jeeda dalka Brazil, kuwaasoo iska bartay Barta Internetka.

Wiilkan oo kasoo jeeda qoys muslim ah ayaa Gabadha ay is calmadeen ku qanciyay ineey soo islaamto iyadana weey ka aqbashay, waxaana xiriirkooda uu kusoo biyo shubtay ineey is guursadaan.

Wiilkan ayaa kasoo jeeda magaalada Taariikhiga ah ee Harran ee ku taal Koofurta Turkiga, waxaana uu kasoo jeedaa qoys beeraleey ah, sidoo kale Gabadha ay is calmadeen ee reer Brazil ayaa iyadana waxaa lagu magacaabaa “Chyami Sylwira Soler.

Gabadha reer Brazil oo 25 jir ah ayaa waxbarasho u timid dalka Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbul, waxeeyna la kulantay Maxamuud oo ay Barta Internetka iska barteen markii ay ku sugneyd dalkeeda Hooyo Brazil.

“Inteeysan isguursan kahor Maxamuud waxa uu macluumaad ka siiyay Diinta Islaamka, taasoo Chyami Sylwira Soler ku dhiiri galisay ineey baaritaan ku sameyso Diinta islaamka i fahankeeda, waxaana mudo kadib ay ku qanacday ineey qaadato diinta Islaamka, waxaana loo bixiyay magaca Saara”.
Intaas kadib Maxamuud iyo Gacalisadiisa “Chyami Sylwira Soler” waxeey usoo wareegeen magaalada Harran, halkaasoo ay ka bilaabeen nolol cusub.

Arooska Maxamuud iyo “Chyami Sylwira Soler” ayaa Habeeno kahor ka dhacay magaalada Harran oo ah magaalo caan ku ah dhismooyin qadiimi ah islamarkaasina dadkeedu yihiin kuwo u badan Carab, waxaana arooska kasoo qeyb galay dadka ku nool xaafada uu deganyahay, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Heesaha iyo Hidaha ay caanka ku yihiin Carabta.

Saara oo qarsan weyday dareenkeeda, ayaa sheegtay ineey aad ugu faraxsantahay Guurka Maxamuud, waxa ay sheegtay ineey iska barteen Internetka islamarkaasna isku fahmi jireen Tarjumaada Googlaha.
Maxamuud oo isna la hadlay wakaalada wararka Andolu, ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsanyahay Guurka Gabadhan Brazil kasoo jeeda, islamarkaasna uu siin doono Farxad waarta.

Maxamuud waxa uu sheegay in xaaskiisa Saara aysan aqoon luqada Turkiga islamarkaasina ay dhib ku qabto ineey fahanto waxyaabaha hareeraheeda ka dhacaya, laakiinse ay awood u leedahay in waqti kooban ay ku barato.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment