Bulsha:- Xus la yaab leh ayaa ka dhacay magaalada Mexico city ka dib markii halkaas laga dhigay isu soo baxyo loogu dabaal dagayey xuska maalinta mowtada.
Dadka xuska dhigayey ayaa waddooyinka la marayey buufinno iyo baambolayaal waaweyn. Saraakiisha ka shaqeeya hawlaha dalxiiska ee Mexico ayaa sheegaya in fikraddan ah in jidadka loo soo baxo ay ka dhalatay muuqaallo ku jiray filimkii James Bond ee Spectre oo sannadkii hore lagu duubay magaalada Mexico City.
Fillimka waxaa ku jiray muuqaal ku saabsan James Bond oo qof sharwade ah ku dhex eryanaya dad wadooyinka dabbaaldeg ku samaynayey oo dharka ay xirnaayeen u ekaysiiyey qalfoof.
Saraaiisha waxay rajo ka qabaan in isu soo baxaan uu soo jiidan doono dalxiiseyaal badan oo magaalada yimaada.
Dhaqan ahaan, maalinta mowtada, qoysasku waxay ku xusaan magaalooyinka dibadooda oo maalintaas lagu cunteeyo, lana tago qabriyada ehelada, ama asnaam la xardhay oo guryaha la keensado.
Xuskan loo bixiyey maalinta mowtada ayaa waxaa teleshinada toos uga daawanayey kumanaan qof, wuxuuna noqday mid la lab leh oo soo jiitay indhaha dad badan oo caalamka ku baahsan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment