Bulsha:-Qalbiga bini aadamka ma ahan mid la xakameen karo, qalbiga isaga ayaa xushta qofka uu doonayo,
rabitaanka qalbiga ayaa noqon doona mid noloshaada ku hogaamiya jaceyl iyo raxmad,
qalbi kasta wuu karaa jaceylka,
astaamaha lagu garto in uu jaceyl ku hayo waa astaamo udabiici ah bini aadamka waana hor dhaca jaceylka.
1. Ma iska xakameen kartid in aad ka fikrto (isaga/iyada)
Waxaa kuugu bilaawda fikir iyo in aad ka fikirto (isaga ama iyada), adiga oo soo xasuusanaya hadaladii idin dhex maraya, fikirkane waxaa ugu daran xiliga aad jiifaneeso taas oo hurdada kuu diida in aad seexato fikir aawadiisa, marmarka qaar waxaad isku arki doontaa adiga oo laguu sheekenayo in aad ka fikirto qof aad jeceshahay, waxaana dareemee in maskaxdada ay maqantahay.
2. Adiga oo Jecel in aad waqti badan la qaadato (iyada ama isaga)
Waxaad jeclaan doontaa in aad siiso waqtigaaga inta badan qofka aad jeceshahay, mana dareemi doontid inta saacad ee kaa luntay iyo waqtiga baxay, dano kasta aad leedahay waxay kaaga baaqan doonaan qofkaas dartiisa, waxaadna nafsadaada ku sasabi doontaa in aad dib ka qaban doonto wax yaabaha ku dhaafay.
3. Waxaad dareemeesaa farxad aan caadi aheen
Markii aad isla wada joogtaan waxaad dareemeesaa farxad iyo reen reen adiga isku heesta in aysan jirin wax kaa maqan, waxaad ka soo laaban doontaa adiga oo dhoola cadeenaya, iyo nafsadaada u aragto in caawa ama maanta aad sifiican ula soo qaadatay farxad.
4. Adiga oo ka walwala in aysan dhicin xumaan
Waxaad isku arki doontaa in aad ka walwalsho, hadii aadan arkin saacado ama maalmo waxaad ka fikiri doontaa in aad qalad ka gashay, waxaadna isku arki doontaa adiga oo waca qofka waydiiya in la arkin maalmahaan.
5. Adiga oo iska lumaya saaxiibadaada
Qalbigaaga ayaa hal dhinac ubatay, waxaad yareen doonta xiisaha aad u qabto saaxibadaada adiga aadan siin wax ahmiyad, waxaana yaraan doono xiriirka kaala dhaxeeyo iyaga iyo adiga, sababtuna waxay tahay adiga oo jecel qof.
Aqriso : qaabka ay hablaha isku maqiiqaan marka ay galmada rabaan
6. Adiga oo taga meelaha lagu arko iyada ama isaga
Midaan 6aad waa markii uu jeceylka ku asiibo, waxaad isku dayi doontaa in aad aragto isaga ama iyada adigoo ka raadinaya meelaha uu qofkaas yimaado, sidoo kale xafladaha iyo casuumadaha ayaad u raaci doontaa, tusaale ahaan waxaad maqli doontaa in qof hebel uu xafladaas aadi doono adigane waxad isku taxluujin doontaa sidii aad ku heli laheed casuumad.
W/Q: Daalac Daahir Shoot

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment