Nolosheyda wey burburtay kadib markii ninkeyga naag kale guursaday anigana ifuray, Laakiin ilaahey ma hurdo

Bulsha:- "Nolosheyda wey burburtay kadib markii ninkeyga naag kale guursaday anigana ifuray, Laakiin ilaahey ma hurdo"

Qisadaan waxaa noo soo dirtay gabadha faadumo(magaca saxda mahan) ka mid ah aqristayaasha webkaan oo dooneysa iney nala wadaagto

qoraalkeeda ayay sidaan ku bilowday faadumo

Waxaan ahaa agbar aad u quruxbadan waxaan is jecleen wiil aan isku xaafad ahaan jirnay yaraanteenii waxuu ilaah noo kasay inaan yurub wada imaano anagoo si kala gooni ah u kala imaanay

wiilkaan is jecleen waan is guursanay waxaa u dhalay sadax caruur ah oo masha allah hada noo koray waxaan ku nooleen nolol fiican, ninkeyga shaqa iska mac mal ayuu heestay xafiiska ilaa markii danbe la dalacsiiyay jagana loo magacaabay. mushaarkiisana loo kordhiyay aad ayaan ugu farxay.

Balse waxaa dhacday in ninkeeygii markii la dalacsiiyay uu iska badalay siduu ii ahaan jiray wax badan iska badaleen dabeecadiisa ilaa aan markii danbe ka shakiyay

gabar iskala shaqeeyaan xafiiska ayaan u sheegtay waxa igu dhacay gabadhii ayaana ii sheegtay in ninkeeyga mar walbo xafiiska isla haasawan gabar kala shaqeeso xafiiska.

Maalinkaas ayaa aad u qararacmay oo waxey ila noqotay inuu cirka soo dumay,

aan idiin soo gaabiyo sheekadee ninkeeygi maalintaas waxii ka danbeyay buuqeena ayaa batay iyo dagaalkeena

ilaa markii danbe uu igu dhahay waan ku furaayaa waxaana guursanaayaa gabadha ay iskala shaqeeyaan xafiiska sidaasna uu igu furay aniga.

laakiin raxmada allah swt kama quusan oo waan ka sabray ninkeygi aan ilmaha u dhalay

Ilustrasi. | Foto: copyright Unpopulart - Hendieta & Garuda
mudo 6 bilood ah ka dib ayaa waxaan is baray wiil asagana hori guur u soo maray balse hada single ah oo run ahaantii aad u wanaagsan caruurteydiina igu rabo asagii ayana guursaday oo hada waxaan is qabnaa mudo laba sana ah waxaana kuwada nool nahay farxad ka badan midaan ku noolaa markii hore

Qofkii sabraa sadkiisa helo ee gabdhoow sabra wax ka fiican ayuu allah idiin kugu badalaa (Aadan yo)







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment