59 sano ayay is qabeen, Lamaanahaan Halmaalin ayay wada dhinteed

Bulsha:- Don (84 sano) iyo Margret Livengood (84 sano jir) nolol way kala geyn weysay mudo 59 sano ah ayay is qabeen, waa lamaane aad isku jeclaa, waxay kuwada noolaayeen farxad iyo reyn reyn inta ay is qabeen waligood isma dagaalin ama iskuma soo sheeko qaadin iney is furaan.

Qisadooda waxay noqotay qiso jaceyl oo dhab ah malakul mowt  kaliya ayaa nakala geyn karo jaceyl keena,

Foto: copyright today.com DOn iyo Margret

Sida lagu daabacay jariirada Today.com Don iyo Margret waxay wada dhinteen halmaalin oo isku mid ah, taarikhda 15 august 2016. Margret wuxuu dhintay sacada markey eheed 08:00 kadibna waxaa ku soo xigay Don oo asagana dhintay saacada markey eheed 17:19. inteysan margred dhiman, waxey gacanteda ku dhagtay ninkeeda Don ilaa markiii danbe nafta ka baxday.

Foto: copyright today.com DOn iyo Margret
" Hooyo iyo aabo aad ayay isku jeclaayeen daacadna isugu ahaayeen mudo 59 sano ah " ayuu dhahay Petie Beaver , wiilka ay dhaleen Don iyo Margret, jaceylka waalidkooda lama kala geyn karin.

Pettie wuxuu u qaaday waalidkiisa isbitaalka bishii lasoo dhaafay, cudurka pulmonary fibrosis dan bilateral pneumonia ayuu la tacaalay Don ayaa xaaladiisa ka dhigay mid liidata, Margret na waxay laxanuunsaneed cudurka kanker dan komplikasi, taas ayaa sababtay in lagu kala daweeyo labadooda qolal kala duwan, taas ayaana Don kasii dhigtay mid lasii il darnaado xanuunka maadama xaaskiisa laga fogeeyay.

Foto: copyright today.com Arooska Don iyo Margret

Markii danbe isbitaalkii ayaa isku soo dhaweeyay lamaanahaan oo hal qol isugu keenay maadaama ay hilow xoogan isu sii qaadeen ilaa isku mar ay kawada dhintaan maalin gudaheed.

Pettie ayaa u mahad celiyay maamulka isbitaalka oo u ogolaaday aabihiis iyo hooyadiis in hal qol lagu wada daweeyo maadaama ay kala cudur qabaan (Aadan yo)








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment