Naag ninkeeda ku dartay saaxiibteeda qaaliga ah u guurisay

Bulsha:- Gabdhaha badankooda waa neceb yihiin in lala guursado naag kale oo maseer daran ayay ka qaadaayaan, mana ogolaaneyso gabadhaha inta badan in lala qeeb sado nin keeda ama uu la guursado.

Laakiin waaa ka duwan tahay gabadhaan gabdhaha kale, gabadhaan oo asalkeeda ka soo jeedo malaysia magaceedana la yiraahdo Ida Nirwana Marzuki 26 jir ah ayaa ninkeeda waxay ka codsatay inuu la guursado saaxiibteeda qaaliga ah, waxa ay sameysay gabadhaan ida ma ahan arin caadiyan mar walbo dhacdo.

Ida Nirwana Waxay saaxiibo qaali ahaayeen gabadhaan gabadhaan lagu magacaabo Norinie oo 35 jir ah oo markii danbe noqotay xaaska labaad ee ninkeeda.

Marka ugu horeysay waxay ahaayaan dad ganacsi bas ka dhaxeeyo balse markii danbe labadaan gabdhood waxay noqdeen saaxiibo saaid isugu dhow oo walaalo camal ah, xariirkoodana lama kala gooyn karo

Maalin walba labadaan gabdhoow ayaa waqti badan isla qaadan jiray ayadoo guryahoodana aad uu isugu dhawaa.
Sababta Ida Nirwana Ugu dalbatay Ninkeeda Nurul Hakim Kusaini oo 26 jir ah waxaa waaye saaxiibteeda dhabta ah ayaa geeriyootay hooyadeed bishii meey ee lasoo dhaafay Norinie gabdhaha la dhashay iyo walaalaheed dhamaantood waay wada guursadeen oo islama dagana kaligeed ayaa guriga dhan daganeed oo hooyadeed markey dhimatay kadib.

Ida ayaa ninkeeda ku qalqaalisay inuu la guursado saaxiibteed ayadoo maalin walbo ku qal qalaineyso balse ninkeeda Nurul Hakin oo waligiis ku fikirin inuu laba naag guursado ayaa markii ay xaaskiisa malain walbo ku qal qaalisay kadib ka aqbalay.

Aakhirkii Nurul Hakin wuu aqbalay inuu la guursado xaaskiisa saaxiibteed Norinie sida ay qortay jariirada Harian metro malaysia, nikaaxaan ayaa waxuu dhacay malaintii arbacada, 28 september 2016 waxaana kasoo qeeb galay qaraabada iyo asxaabta dhamaan. 

Ida aad ayay ugu shukrisay ugu danbeyn ninkeedii wuu guursaday Norinie. Cunugeeda oo sadax sano jir ah xataa wuu aqbalay inuu aabihiis xaaskale guursado saaid ayay isugu dhawaayeen Norinie. Waqti aan fogeyn waxay rabaan ineey hal guri wada dagaan.

Ida aad ayay ugu farax san tahay in saaxiib teed lala guursado in kastoo nin keda lala qeebsaday way ku faraxsantahay.(aadan yo).

w/q: aadan yo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment