Fikirka wanaagsan waa kan guusha keena

Bulsha:- Xilli habeen ah oo dabeyl daran ay jirto, oo aad kaxeyneysid gaari gaar ah oo aad milkiyadeeda leedahay ayaa waxa aad ag martay boosteejada laga raaco basaska, waxa aad ku aragtay seddex qof oo sugaya bas ay raacaan, waxa ayna kala yihiin:

1- Haweeney da’ ah oo aad u xanuunsan oo looga cabsi qabo inay geeriyooto.
2- Nin saaxiib aad aheydeen waa hore oo hadda kahor badbaadiyay noloshaada.
3- Gabar qurux , heybad, caqli iyo aqoon Allah u hibeeyay oo marar badan aad ku fikirtay, kuna riyootay inaad guursatid.

Gaariga aad kaxeyneysid, waxa uu qaadi karaa hal qof oo qura, kaasi oo fuuli kara qeybta fadhiga hore “shirka gaariga” ee ku dhow halka uu fadhiisto darawalka.

Haddaba, seddexdaasi qof , qofkee u xulan laheyd in gaariga ku qaadid.

Haweeneyda da’da ah geeri ayey ku dhow dahay oo badbaado ayey u baahan tahay.

Saaxiibkaagii hore waa mid abaal weyn kugu leh oo lama huraan ay tahay in wanaagiisa mid ka balaaran ugu abaal gudid.

Gabadha aad jeceshahay waa mid ay adag tahay in lagu arko bannaanada iyo isgoysyada, fursaddeeduna waa mid kooban oo ay haboon tahay in laga faa’ideysto “daahane hortiisa dafane ayaa jooga !”.
Xalka ugu haboon ee arrintan ayaa waxa ay noqoneysaa in furaha gaariga aad ku wareejisid saaxiibkaagii hore, kana codsatid haweeneyda dhiban inuu geeyo isbitaalka, adiga iyo qalanjada kala xiran ee soo jiidasha lehna aad wada sugtaan baska.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment