Hadal Macaan ::: ku saaxiibidda Facebook micnaheedu ma ahan shukaansi

Bulsha:- Laba lamaane ah oo iska dhex jeclaaday Facebook oo kulansan.Murtidan waxa ay maskaxdiisu ka maaxatay: Ali Abdi Ali Hoshow


Xilliga ay gabari aqbasho codsigaaga saaxiibtinimo ee Facebook “Friend request” , taasi micnaheedu waa inay ku ogolaatay inaad saaxiib ku noqotaan barta bulshada ee ma ahan inay ku guursaneyso.

Haddii ay gabari codsi saaxiibtinimo oo Facebook ay kuu soo dirto, taasi micnaheedu waa inay saaxiib kugula noqoto barta bulsho ee ma ahan inay noqoto gacalisadaada, haddii ay faallo “comment” ka bixiso wax aad soo bandhigtay, waxa ay ku tusineysaa inay tahay qof bulsha ah, ujeedkeedu ma ahan inay tahay shukaansi-doon .

Haddii gabadhu ay ka hesho “like” saarto faallo “comment” aad bixisay micnaheedu ma ahan inay ka heshay shakhsiyadaada ee waxa ay la dhacday fikirkaaga.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment