Ninka ugu fool xumada Badan Ugandha, Iskoorla yaab leh ayuu Youtube ka dhigey.

Bulsha:- Nin madaxa oo dhan ka maroorsan laguna tilmaamo ninka ugu foosha xun dalka Uganda ayaa wuxuu bilowday xirfad aan cidna ka fileyn, wuxuuna noqday fannaan ku luqeeya isla markaana jilla heesaha boobka loo yaqaano.

Godfrey Baguma ayaa loo aqoonsaday inuu yahay ninka ugu foosha xun dalka Uganda ee loogu raadinta badan yahay internetka, waxaana billad lagu siiyey derejadaas. Taasi waa arrinta ku dhiirigelisay inuu noqdo fannaan heesaha boobka ah.

47 sanno jirkaan ayaana durba guul ku tallaabsaday, wuxuuna u muuqdaa mid saameyn ku yeelanaya African Pop Music, durba in ka badan seddax milyan ayaa daawatay heestiisii ugu horreysay ee uu soo dhigay mareegaha lasoo dhigo muuqaallada ugu badan ee adduunka YouTube.
Godfrey Baguma wuxuu dhalay sideed caruur ah wuxuuna daaha ka qaadayss in uusan wax walwal ah ka qabin inuu ku guuldarreysan doono xirfaddiisa cusub. Laakiin waxa ugu weyn ee uu ka cabsi qabo wuxuu ku tilmaamay inay yihiin inay caruurtiisu foolxumada ka dhaxlaan.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment