Ragga Da’da ay ku geeriyoodaan, wey ka hooseysaa tan Dumarka.

Bulsha:- Haweeneydii lagu magacaabi jiray Jeanne Calment ayaa loo aqoonsaday inay aheyd shaqsigii ugu dhallinta badnaa eek u noolaaday meerahaan, sannadkii 1997dii ayeyna qurbaxay iyadoo 122 sanno jir ah, haweeneydaas oo u dhalatay dalka France.

Baaritaan la sameeyey bartamihii 1990meeyadii ayaa waxaa lagu ogaaday in aysan wax horumar ah soo sameyneyn arrinta la xiriirta inay dadku noolaan karaan marka ay kor u dhaafaan 100 sanno.

Markale ayaa daraasad nuucaan ah la sameeyey, waxaana howshaas la bilaabay horraantii sannadkaan khubaradii baaritaankaan sameysay oo kasoo jeeda dalka Mareykanka ayaana booqday 40 dal oo kala duwan waxayna soo saareen natiijo isku qasan.

Marka ugu horreysa waxay soo ogaadeen in celcelis ahaan ragga noloshoodu ay gaarto 76 sanno, halka dumarka ay ka sarreeyaan marka la eego celcelis ahaan dhallinta ay ku qurbaxaan, waxaana lagu sheegay 81 sanno.

Si kastaba ha ahaatee, dhakhaatiirtaani waxay sidoo kale soo ogaadeen inay yar tahay inay dadka adduunka ku nool maanta gaaraan 115 sanno, dhallinta ugu badan ee ay dadku ku dhintaan celcelis ahaan ayaana lagu sheegay da’da 40aad. Sidoo kale waxa qariib ah in maanta meerahaan laga helo qof noolaaday 150 sanno.

Hase yeeshee, daraasaddaani waxay sheegeysaa inay soo kordheen inta sanno ee celcelis ahaan ay nool yihiin dadka ku nool meerahaan qarnigii ugu dambeeyey.

FIIRO GAAR AH: Allah ayey gacantiisa ku jirtaa dhimashada iyo xilligeedu, qofkastana waqtigiisa ma dhaafayo laakiin bani aadamku baaritaan ma dhaafo sidaas ayuu maalin walba cilmi cusub ku helaa, annaguna waan idinla wadaagnaa.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment