Bulsha:- Melania Trump oo ah Xaaska Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, ayaa si weyn u daafacday saygeeda, waxeeyna sheegtay in ninkeeda uu yahay mid edeb leh oo aan dumarka ku dhicdhicin.
Melania, waxeey sheegtay in naagaha iyaga ay soo raadsadaan ninkeeda, islamarkaasna iyada horteeda mararka qaar ku qabqabsadaan.
“Naagaha sheegtay in saygeeda uu gogol si sharci darro ah ula wadaagay, waa beenaalayaal doonaya ineey wax u dhimaan sumcadiisa” ayay tiri Melania.
Waxeey sidoo kale sheegtay in cajilkii dhawaan la baahiyay ee ku saabsanaa Trump oo u gafaya dumarka, uusan matali karin isaga oo uu yahay mid lasoo dhoob dhoobay.
Cajilka fadeexada ahaa ee dhawaan laga baahiyay Donald Trump, ayaa sababay inuu ku waayo taageerada qaar kamid ah ragga ugu miisaanka culus xisbiga Jamhuuriga, sidoo kale tan iyo wixii markaas ka dambeyay waxaa iska soo daba baxayay Haween badan oo sheeganaya in Trump uu jir ahaan ugu xad gudbay.
“Waan hubaa in saygeeyga uu aad u ixtiraamo haweenka” ayay sii daba dhigtay hadalkeeda.
Waxeey sidoo kale ka dhawaajisay in waxyaabaha la baahiyay ay soo abaabuleen qolada ololaha u qaabilsan Hillary Clinton.
Xigasho: BBC ARABIC

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment