Bulsha:- Haweeney ku nool gobolka Texas ee dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Haley Smith oo aad u buurnaan jirtay ayaa meherkeeda sanad ka hor ahaa waxey go’aan ku gaartay in ay nolosheeda wax ka badasho si ay xaflada arooskeeda u gashato taaj dhex yar.
Haley Smith ayaa saaxiibkeeda Math wuxuu bishii July ee 2015 weydiiyay in ay rido culeyska saaran ka hor arooskeeda, waxayna muddo sanad kahor arooskeeda sii bilaawday orod , jimicsi iyo in ay yareyso cuntada ay cuneyso si ay u caatoowdo una xerato taaj ama saako dhex yar habeenka xafladda arooskeeda dhaceyso taas oo ay u noqotay suurto gal kadib markii ay iska ridday 50 kiilo garaam.
Sawirka ka hor arooska iyo kadib
Waxaana is caateys dheer kadib ay qaadatay saako ama taaj yar oo ay dadkii yaqaanay oo xaflada kasoo qeybgalay layaab ku noqotay.


_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment