Ma taqaan Beenta Dumarka ay u sheegaan ragga?

Bulsha:- Inkastoo ay jiraan khilaafyo badan oo ka dhex dhaco ninka iyo naagta, laakiin ogow ninka bis been ma sheego waxaa jirto sidoo kale arrimo ay naagta been ka sheegto, haddaba hoos ka akhriso shantaan qodob oo ay soo daabacday shabkadda love.allwomenstalk

– Ha Walwalin Waan Fiicanahay

Ha aamini haddii naagtaada kuu sheegto beentaan oo ay ku dhahdo waa fiicanahy ha walwelin adigoo wajigeeda ka dareemeysid waxyaabo kale oo murugo ah, markii aad xaaladaan camal la kulanto waxaa waajib kugu ah inaad hubsato haddii xaaskaaga aysan dhibaato dareemein iyo haddii ay iska dhaheyso.

Dabcan Waa Jeclahay Reerkaaga
Inkastoo aysan tani ula jeedin, ama aysan jirin wax jaceyl ah oo ay u qabto reerkaaga, laakiin waxay isku dayi doontaa inay kuu muujiyo ilaa xad inay jeceshahay reerkaaga, haddaba markay xaaskaaga sidaas ku dhahdo si feejigan isaga hubso.

Dabcan Way I Farxad gelineysaa Inaan Mar Labaad Wax Kuusoo Kariyo:
Xattaa haddi hadalkaan ku dhahdo iyadoo dhoola cadeeneyso oo farxad ka muuqato ha aaminin, naagaha inkastoo ay jecel yihiin wax kariska, taasi lama micno ah inay jecel yihiin maalin kasta inay jikada galan


– Wax Maseer ah Ma Dareemayo

Haddii aad ku dhaqaaqdo mowqif taasoo maseer gelin karto naagtaan, waxay kuu muujin doontaa inaysan wax maseer ah ka qaadeen dhib malahan haddii aad ka aqbasho, laakin ogow isla weyninkeeda ayaa ka diido doono, waxaana waajib kugu ah xaaladaas inaad naagtaada maseer tirto.

– Waxaa Diyaar U Ahay Inaad I Furto

Tani Waa Beenta Ugu weyn oo ay naagta sheegto tan iyo markii la dhalo, ha aamin waligaa inay naagtaada diyaar u tahay inaad furto oo ay ku dhahdo waa waqtigii ay nafteeda kaa tagi laheyd, haddaba markii ay sidaas ku dhahdo u sug ilaa waqti si aad u aragto waxa ay kuu sheegtay.

Haddaba aqriste waa inoo muhiim fikirkaaga hoos comment noogu reeb







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment