Aishwarya Rai Iyo Ajay Devgn wey ku farxi doonaan Hadal ka soo yeerey Salman Khan.

Bulsha:- Mega Star Salman Khan waxaa kasoo yeeray hadal in badan farxad galin doono Aishwarya Rai Bachchan iyo Ajay Devgn kadib markii xidigan uu ka hadlay filimada Shivaay iyo Ae Dil Hai Mushkil.

Filimada Shivaay iyo Ae Dil Hai Mushkil maalintii shalay ahayd (28 October) ayaa tiyaatarada la wada saaray waana labo filim oo haatan Boxoffice-ka ku dagaalamayaan.

Weliba labadaan filim sedexda maalmood ee ugu horeyso ganacsiga ay sameeyaan xisaabta ugama jirto madaama feestada Diwali fasaxyadeeda ay bilaaban doonaan maalinta Isniinta ah ilaa Khamiista ganacsi lixaad leh ayay labadaan filim sameyn karaan.

Hadaba Salman Khan barta Twitter-ka ayuu labada koox ee filimkaan nasiib wacan ugu rajeeyay wuxuuna yiri “Nasiib wacan #Shivaay iyo #Ae Dil Hai Mushilk”

Karan Johar ayaa ka aamusi waayay nasiibka wacan ee uu Salman Khan u rajeeyay kooxda filimkiisa wuxuuna ugu jawaab celiyay “Mahad sanid Salman Khan”

Salman Khan saaxiib dhow ayuu la yahay Ajay Devgn wuxuuna u rajeeyay nasiib wacan sidoo kalena waa markii ugu horeesay Salman Khan nasiib wacan u rajeeyo saaxiibtiisii hore Aishwarya Rai filim ay wax ka jileyso.

Waxaa naga xasuusin ah in Salman Khan, Ajay Devgn iyo Aishwarya Rai ay wada shaqeeyeen ugu dambeesay 17-sano ka hor ayagoo markaas kasoo wada muuqdeen filimkii jaceylka sedex geesoodka hirgalay Hum dil De Chuke Sanam.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment