Bulsha:- Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa todobaadkan ku qulqulaya Magaalooyinka Abu Dhabi iyo Dubai, halkaasoo warar soo baxaya ay sheegayaan in kulamo qarsoodi ah ay ka socdaan oo Madax ka tirsan Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay la leedahay Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada .
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee kala ah Juballand Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” , Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka ambabaxay Garowe.
Xeeldheerayaasha faaqida Siyaasadda ayaa sheegaya in Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka cabsi qabto in Soomaaliya uu ka soo baxo Madaxweyne ka horyimaada danaha ay leedahay oo ah maamulidda ilo dhaqaale oo dalku leeyahay iyo sameysasho Saldhig Milatari, taasi oo aan ku qabsoomi karin si fudud, xilli Soomaaliya iyo Imaaraat-ka aanu jirin heshiisyo arrimahaasi khuseeya.
Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in Imaaraat-ku ka walwalsan yahay in Madaxweynaha cusub iyo Xukuumadda la dhisi doono ay gebi ahaan laasho oo waxba kama jiraan ka soo qaado heshiiska DP World iyo Maamulka Somaliland ay gaareen ee lagu horumarinayo dekadda Berbera.
Sidoo kale Imaaraat-ka ayaa doonaya inuu galaan-gal ku yeesho doorashada Madaxweynaha, si Musharaxa uu wato u soo baxo, waxaana la sheegayaa inuu wato Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Musharax kale.
Waxaa la sheegay in todobaadyadii u dambeeyay ay tageen Imaaraat-ka Musharaxiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo doonaya inuu dhowaan isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha.
Shaxda Imaaraat-ka ayaa ah sidii Madaxda maamul goboleedyada ay uga dhaadhicin laheyd in musharaxa ay wadato uu ku guuleysto xilka, iyadoo ay bar bar socoto balan-qaadyo mashaariic oo ay ka fulineyso deegaanada maamul goboleedyada.safiirka
Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ayaa waxaa maamula Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo ah Dhaxalsugaha Abudhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi, weli si ras
Madaxweynaha dalkaasi Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo 68 sano-jir ah ayaa ah mid ku uruuray sariirta caafimaadka, kadib markii dhiig uu kaga shubmay maskaxda bishii January , 2014 , muddo laba sanadood ah wax sawir iyo muuqaal lagama haayo, waxaana la filayaa in sababo caafimaad darro awgood xilka looga qaado, xilkana uu la wareego walaalkiisa.
Dalka Isutagga Imaaraat-ka Carabta oo ka kooban todobo Imaaraadood , ayaa waxaa awoodda ugu sareysa wadaaga Imaaraadaha Abu dhabi iyo Dubai oo ay kala maamulaan qoysaska Al Nahyan oo hanta Madaxweynaha dalka iyo Abaanduulka Ciidamada, si la mid ah Reer Al Maktoum oo hanta Madaxweyne kuxigeen Ahna Ra’iisul wasaare.
Safiirka Dowladd Isutagga Imaaraat-ka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi oo wareegtada lagu magacaabay oo uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Imaaraat-ka, lana soo soo saaray bishii February, 2014 , ayaa inta aanu xilkaasi loo magacaabin waxa uu ka tirsanaa diblomaasiyiin cusub oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ay tababartay iyo sarkaal sirdoon oo la howlgala Qeybta Imaaradda Ajman, dadku waxa ay ku sheegaan inuu yahay nin dabeecad khalafsan oo bahdila shaqaallaha iyo howlwadeennada Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Safaaradda iyo Isbitaalka oo ku yaala Waqooyiga Muqdisho.
Safaaradda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa ilaalo ka haaya Ciidan boolis Soomaali ah iyo Calooshood u shaqeystayaal hubeysan oo u dhashay dalka South Africa, lamana yaqaan sharciyadda ciidan ajnabi oo hubeysan oo ka baxsan AMISOM ay ku joogi karaan dalka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment