Kim Kardashian oo dheyman 7 milyan dollar gaaraya ay Maafiya kaga

Bulsha:- Haweeneyda Tv ga caanka ka ah ee Kim Kardashian ayaa oo maalmahan joogtay magaalada Paris ee dalka faransiiska ayaa dabley hubaysani ( Maafiya )oo wajiga soo xeratay  ugu soo dhaceen hoteelka ay ka daganeyd magaaladaasi kadibna ay qori madaxa ka saareen Kardashian waxeyna qaateen alaabahii mujoowharaadka, dheymanka  iyo dahabka ka sameysnaa ee ay isku qurxin jirtay oo gaarayay ilaa 7 milyan oo doollar.

Kim Kardashian ayaa oohin iyo qalqal darteed isku darsatay xiligii la boobayay iyadoo ka bariday burcadda in ay nafteeda badbaadiyaan maadaama ay ilmo u tahay hooyo.



Burcaddaan oo afka u duubnaa oo watay qoryaha sida AK 47 ayaa waxey xerxereen dhamaan ilaaladii garka aheyd ee Kim Kardashian ayagoo iyadana ku xeray suuliga kadibna maamushay guriga lana baxsaday dhamaan waxii qiimaha lahaa ee ay laheyd ayagoo ku cararay baaskiilo. 

 

Booliiska Faransiiska oo dhacdan halka ay ka dhacday soo gaaray ayaa sheegay in ay ku daba joogaan maafiyadan dhacay Kim Kardashian ayagoo intaa ku daray in  ay tuugani kasoo galeen daaqada dambe ee guriga ay hoteel ahaan u daganeyd waxeyna sidoo kale boliiska sheegeen in ay burcaddan laga yaabo in ay mujowjaraadka iyo dheymankas burburiyaan ayna asigoo shiidan u iibgeeyaan London. 

Kim Kardashian ayaa saacado qal qal iyo cabsi badan kadib saakay u laabatay dalka Mareykanka iyadoo ku laabatay diyaaraddeeda qaaska ah. 

Kanye West oo ah fanaanka ahna seyga Kim Kardashian ayaa asigoo welwesan asigana waxuu kansalay xaflad uu xalay ku qabanayay New york arrinkaaan dartiis. Halka qoyska Kardashian ay booliiska iyo dowlada faransiiska ka codsadeen in arrinkaan la dabo galo 
Xigasho:- Jilaa.com








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment