Bulsha:- Fanaanadda Rihanna ee kasoo jeedda jasiiradda Barbados ayaa waxey la soo baxday muuqaal cusub iyadoo gabi ahaanba bedeshay qaabkii timaheeda, una bedeshay hal mar kuwo tidcan oo raamo ah ee rasta loo yaqaan.
Rihanna ayaa sheegtay inay waligeed ilaa 14 jirkeedii ku fekeri jirtay in ay timaha rasta ka dhigato balse ay hooyadeed ka hor taagneed, laakiin haatan ay deysatay oo ay ka dhigatay qaabkey jecleyd.
Rihanna ayaa qaabkaan cusub ee rastada ku biirtay bishaan waxaana ay ku shaacisay boggageeda baraha bulshada, iyadoo dhanka kale xustay in ay ku maamuuseyso fanaankii weynaa ee reer jamaica Bob Marley oo ay waligeed taageero u aheyd iyadoo sheegtay in muusigiisu uu ku dhiiri galiyay in ay caalamka heesaha ku soo biirto.
Waxaa sidoo kale xusuus mudan in ay Rihanna iyo Bob Marley kasoo wada jeedaan jasiirado yaryar ee karibiyaanka ku yaal.
Xigasho: Jilaa.com




_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment