Bulsha:- Fanaanka iyo Dj ga weyn ee heesaha Mareykanka Dj Khaled oo isagu kasoo jeeda Falastiin ayaa waxuu ku xarakooday saacad gaareysa qiimaha 300 oo kun Dollar , taasoo lala wada yaabay maadaama ay tahay sacad aad qaali u ah.
Saacaddan ayaa mid ka sameysan dheyman ayaa ah mid aan la awoodin qiimaheeda balse uu fanaankan ku xarakooday.
Waxaa kale uu DJ Khaled xertaa katiinano ama silsalado dheyman ka sameysan kuwaas oo ah kuwo ayagana boqolaal kun doolar gaaraya isagoo leh dhowr gaari oo ah Rolls Royce , Lamburchini iyo hanti kasii badan taa.
DJ Khaled oo caan ku ah dhiirigalinta ayaa ah milyaneer dhaqaale badna ka sameeyay diyaarinta iyo isku habeynta muusigga waxaana had iyo goor uu ku faanaa erayga Furaha guusha kaas oo uu sharaxo qaabka uuku guul gaaray.
Waxaa uu DJ Khaled heshiis la galay shirkado waaweyn kuwaasoo uuka suuq geeyo muusigga uu isku dar daro.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment