Hadii Aad Usoo Diyaar Garowday Guur Aqriso 37 Su'aalood Oo Adiga Kuu Qaas Ah Hana Ku Deg Degin Guurka ( Talooyin Muhiim Ah)

Bulsha:- maxaad ku xulaneysaa qofka aad guursaneysid, tusaale (dhaqan, qurux, maal,diin mise dhoof)? 

2.Maxaad reerka ku soo darsaneysaa adigu maal, maskax iyo muruq? 

3. Diyaar ma ma u tahay xanaaneynta ubadka aad dhasho tusaale, xoog, maal, diin, iyo cilmi (waxbarasho)? 

4. Baahi iyo bukaan hadii uu qof idinka mid ah ku yimaado sidaad u gudan lahayd waajibkaaga, sideed yeeli lahayd, dulqaadkaagu waa intee? 

5. Habkeebaad reerkaaga u dhiqi laheyd (xil gudashada maalinle)? tusaale: Dhaqanka, Diinta islaamka, mise isku jir. 


6. Maxaad ka badeli doontaa hab u dhaqankaaga marka aad guursato, liiska samee waxaad imika qabato wakhtiyada firaaqada dibna u eeg wixii isbedel u bahan markaad guursato (tusaale caweyska badan iwm)? 

7. Ma ogoshahay inaad talooyinka la wadaagto saygaaga/xaaskaaga? mise adigaa wax walba xalin kara? 

8. Hadii dabeecadaheedu/xiisu is badalaan aqal galka dabadii maxaad sameyn laheyd, maxayse yihiin dabecadaha aanad aqbali karin marnaba? 

9. Hadii maalkiinu yaraado ama kordho? maxaad yeeli laayd, dhimi lahayd ama dhisan lahayd? 

10. Ma dantiisa yaqaan baad tahay, mise dadka u nool (qof dantiisa door bida, mise qof jecel waxa cusub iyo waxa dadka kale haystaan)? 

11. Maxayse yihiin khaladaadka aan saaxmixaada gali karin xagaaga ee burburin kara reerkaaga (tusale jaad, khamri, xan,wareeg, cibaado la'aan iwm? 

12.Yaa mudnaanta noloshaada ku jira kaalinta 1aad, labaad, iyo 3aad (qiimeyn ku samee dadka kuugu muhiimsan sida walidka, asxaabta, ubadka (cidii leh ubad) walaalka ilaahay iwm)? 

13.Naftaada, maalkaaga, iyo mustaqbalkaaga ma la wadaagi kartaa qof kale 100%? mase u ogoshayay inay go'aano taaba gala qaadaan hadii loo baahdo?

14. Lacagtaad shaqaysatay miyaad qayb ka mid ah ama kuligeed ka qarsan laheyd xaaskaaga/saygaaga? 

15. Hadii ehelkiis u baahdaan inay idinla noolaadaan ama waalidka mid ka mid ahi jilicsan yahay, maxaad ka yeeli lahayd? 

16.Dulqaadkaagu waa intee adigoo misaamaaya, tusaale (daciif, dhexdhexaad, mid sareeya)? maxaa kaa caraysiiya badanaa hadii caro dhacdo, ama aanad qaadan karin?

17.Xaga daryeelka iyo u dabacsanaanta taakuleynta ehelkaaga miyaad ku (liidtaa, fiicanthay, aad ugu dheertahay oo dusha u ridataa)? 

18. Aabahaa iyo hooyadaa miyay wali is is qabaan mise way kala tageen? hadii walidku kala tagay yaa ku soo koriyey?

19. Yaad ku kalsoontahay ee la tashan laheyd hadii mushkilad aad xalin kari weydo kula soo daristo (tusaale sheekh, walalka/walasha, waalidkaa, saaxiibkaa/saxiibada, cidna iwm)? 

20. Sidee baad u aragtaa qofka la tashada xaaskiisa/seygeeda ra'igoodana qadariya? 

21. Hadii lamaanahaaga iyo ehelkaa muran dhex maro miyaad ka indho qarsan lahayd, dhexdhexaadin laheyd, mise iyagaad u deyn laheyd adigoo is leh adiga kuma khuseyso? 

22. Lacagta reerkiina soo gasha, ma kaligaa baa jecel inaad maamusho, la wadaagto lamaanahaaga, mise maba rabtid inaad howshaa gasho adigu oo ka warwertid maal? 

23. Edbinta ubadkiina haday edeb daro muujiyaan ma waxaad aaminsan tahay in la uleeyo, wax loosheego/lana uleeyo, wax loosheego kaliya oo aan gacan la saarin.?

24. Sidee baad u hubin lahayd/wax uga qaban lahayd fariinta warxumo tashiilka, ama saaxiibka xun, ama ehelka danaystaha ah ee ku lidka ah gurigaagu inuu dhisnaado? 
25.Sideed u aragtaa guurka ninka muslimka ah ee loo baneeyey 4ta dumar ah? 

26. Su'aal u gaara gabdhaha, hadii saygaagu shaqo beelo ama maalkiisu baaba'o miyaad u samri mise ka daldoorsan? intee in le'eg ayaad samri kartaa, goormadse ka tagi kartaa?

27. Miyaad jeceshahay inaanad ka maqnaanin xafladaha iyo aroosyada magaalada ka dhaca xitaa hadii lagu soo casumo? 

28. Sideed u xalin lahayd hadii faro galin kugu sameeyaane ehelka cusub ee noloshaada ku soo biiray ? 

29. Su'aal ku socota dumara, ma dhabaa nin markuu lacag helo naag kaluu guursadaa?

30. Sideed u xalin lahayd hadii segaagu/xaaskaagu noqoto qof gacan adag? ama si xad dhaaf ah u gacan furan oo xoolihiiniba dhigmi wayo?

31. Sirta reerkaaga yaad u sheegi lahayd ama ku aamini lahayd, cidna, saaxiibaday/saaxiibkay, walidkay, qofkaan la sheekeysanayo karkaasi, walaashay iwm?

32. Hadii saygaaga/xaaskaaga aad jacayl ka heli weydo ama u hayn weydo maxaad yeeli lahayd? 

33. Sideed u aragtaa is furitaanka ? maxaad yeeli lahayd hadii saygaaga/xaaskaagu ku tidhaahdo kuma jecli ee i fur oo qanacaasi dhab ka yahay?

34. Hadii xaaskaagu/saygaagu dhibsado waxyaal aanu jeceysanin oo uu necebyahay maxaad sameyn lahayd?

35. Hadii aad ku khaldanto saygaaga/xaaskaaga maxaad yeeli lahayd?

36. Sidee baad ugu roonaan lahayd xaaskaaga/saygaaga xitaa hadaad mudo dheer is qabtaan?

37. Hadii saygaaga ama xaaskaagu cibaadada ku xun yahay, isbedelna soo wadin sideed yeeli lahayd? 
diyaarinaysaa? mise waxaad rabtaa guur waara??







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment