Guurka ka hor su'aalaha mudan in ay gabadha is waydiiso

Bulsha:- ma is waydiisay hebalaayo maxaa loo furay? ma is waydiisay habelow iyo heblaayo maxaa markasta dhex dhigay khilaaf?

Inta aysan guursan gabadha laakiin ay dooneeso in ay guursato ayaa ah in ay ka fikirto wax yaabo badan ama is waydiiso su'aalo badan oo u muhiim ah nolasheeda dambe, hadii aadan sidaa u fikir waxaa laga yaabaa in uu go'aanka guurka kaa xumaado aad la nasiib noqoto kumanaanka kun ee maanta kala tagay.


1. Is Waydii Maku Qanacday Isaga (ninka)

Hubso marka hore in noloshaada ay ku qanacday, hadii aysan jirin wax qancsanaan la aan waxaad dareemi doontaa ciriir nololeed iyo dhibsasho taas marka dambe keenta furiin.

2. Maku Jecelyahay

xariga ugu wayn labada qof isku haayo ayaa ah jaceyl, hadii uusan waxba jaceyl kuu heen wuxuu noqon karaa mid aad ka wayso ninkaaga wax farxad iyo daryeel la aan, waxaana suurta gal in ninkaaga uu kala guursado qof kale oo dumar, taasna waxaa keeneeso jaceylka uu kuu qabo oo aad u yar.

3. Maku Qadariyaaa

matahay qof isaga u qiimeesan xushmad iyo qadarin qof uu uhaayo matahay, hadii aadan ku heesan wax qadarin iyo xushmad way adkaaneesaa in uu ku qiimeeyo, waxaana laga yaabaa bulshada dhexdeeda wax aadan filaneen in uu kuugu dhaho, waxaana suurta gal ah in uu qadariyo gabdho kale ay sidaa kulunta kaalintaada.

4. Ma Yahay Nin Qaadi kara Mas'uuliyadaada

waxaa badan rag aan qaadi karin mas'uuliyada dumarka, hadaba iska hubo in uu yahay nin qaadi kara masuuliyada, in uu yahay nin noloshaada balan qaadi kara, hadii intaas aadan ku heesan waxaad noqon doontaa dhibane.

5. Ma yahay Nin kuugu Caawin Doono Hadii aad jiratid Mase Wuu Kaa Tagi Doona

Ma yahay nin kuugu caawin doono xitaa hadii aad wax yeelowdo sida cuuryaan ama jiro xun ku hesha masa waa nin hadii aad xanuunsato isla markiiba ku firi karo, iska hubo in uu kuugu jecel yahay jirada iyo in uu ku daryeeli doono.

6. Ma Yahay Nin Ilaa iyo waayeelnimada ku jeclaan doono masa intaad wali yartahay.

Ragga qaar ayaa dumarkooda uga tago in ay ka noqotay waayeel, ka xaqiijiso ninkaaga in xitaa waayeelnimada uu kuugu jeclaan doono

7. Ka Saxiix Ninkaaga In uu intaas kuu balan qaadayo.

hadii aad ku aragto in ninkaaga uu balanta ka baxaya waxad la soo baxdaa warqad cadeeneeso in uu balan kaa qaaday taas oo noqon karta in ninka go'aankiisa dib ula laabta ama noqda mid ilaaliya balamihii uu qaaday.

waa hubaal hadii aad intaas sameeso in caqabado badan aad ka bad baadi doonto, aadna dareemi doonta dhadhanka ay nolosha leedahay.


W/Q: Daalac Daahir Shoot






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment