Bulsha:- Sheekadaan waxaa alifay oo qalinka uqaatay qoraaga sare C/risaaq Daahir Shoot oo ku magac dheer Daalac
Xili maagalada Dubia fiid (7PM-9PM) ay tahay aniga iyo gabar yaraanteenii saaxiibo aheen ayaan banaanka usoo baxnay, waxaan booqaneenay gabar Somaliyeed oo xanuunsan, markii aan dhax siimareeno aan Taxi in aan raacno rabno ayaa nin Somali ah gaari aad uqurux badan wada gadaasheena hoonka gaariga ka dhawaajiyay, aniga iyo gabadha waxaan umaleenay in aan wadada si qalad ah aan utaaganahnay, ninkii hoonka ayuu markale si aad uqeelo badan ku celiyay, aniga iyo wixi meesha maraayaayay kawada xumaanay aad baan u xanaaqay, ninkii ayaan ku dhahay maxaad sidaan dhan usameeneesaa? wuxuu yiri maba is ogeen in aan hoonka haayo adiga quruuxdaada baa iqaaday,
waxaan ku dhahay isaga qurux majirtee ee gaariga ayaa kuugu cusub, gaariga ayuu ka soo dagtay wuxuu na dhahay halkeed ku jaheesantihiin? waxaan ugu jawaabnay gabar xanuunsan ayaan dooneenaa in aan booqano, waajib islaami ah ayaan iska soo rideenaa, wuxuu yiri aan idin qaado aniga oo xishoonaya aan wali hadlin ayaa gabadhii saaxiibtayda aheed ku dhahay ok, laakiin ninka shuruud buu soo jeediyay in aan aniga gaariga shirka ka raaco si aan aniga iyo asiga iskuula sheekeesano, waan baxnay wuxuu namarsiiyay meel lagu gado doolshe, tufaax, cambe iyo liin, wuxuu yiri gabadha ayaan uqaadeenaa maadaama ay tahay gabar xanuunsan, habeenkii inta aan gaariga saarneen ninka wuu naga qoslisiinayay, inkastoo markasta uu igu soo celcelin jiray waxaa tahay gabar qurxoon, waxaa layimid gabadhii xanuunsaneed gurigeedii inkastoo aan soo daahnay gabdhii aan usoo duceenay, waan soo laabanay wuxuu sidaa ku bartay xaafada aan dagneen, aniga waxaa layaabay ninka wanaagiisa habeenkii markii aan seexday waxaan soo xasuusanaa amaantiisa.
La soco Q.2aad

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment