Guurka Gabdhaha Qaan-gaarka ka yar oo aad u badatey

Bulsha:-  Dalka India waxa uu ka mid yahay dalalka caruurta ugubadan ee aan qaan gaarka aheyn laga guursado, waxaa sidaa lagu sheegay warbixinta

Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda Save the Children, todobadii ilbiriqsiba hal gabar oo da’deeda 15 jir ka yartahay ayaa loo guuriyaa.

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha ka yar 10-sano in lagu qasbo in ay guursadaan rag si aad ah uga weyn dalal ay ka mid yihiin Afghanistan, Yemen, Hindiya iyo Soomaaliya.

Hay’adda Save the Children ayaa sheegeysa in gabdhaha yaraanta lagu guursado ay soo jiidaneyso dhibaato soo gaarto qeyb walba oo nolasheeda ka mid ah.

Dagaalka, saboolnimada, iyo dhibaatooyinka bani’aadanimo ayaa loo arkaa in saameynta ugu weyn yihiin, iyaga oo sababa in gabdhaha lagu guursado ayaga oo aan qaan gaarin.

“Caruurta oo la guursado iyaga oo aan gaarin wakhtigaasi, waxay gabdhaha ka qaadaysaa xuquuqda aasaasiga ah sida waxbarashada, horumarka iyo caruurnimadaba, “waxaa sidaa sheegay aggaasimaha guud ee hay’adda Save the Children, Helle Thorning-Schmidt.

“Gabdhaha yaraanta lagu guursado waxa marar badan dhacda in aysan waxbarasha helin, waxa ayna u badan tahay in ay la kulmaan rabshadaha qoyska ka dhex dhca, xadgudub, iyo kufsi.

Uur ayay yeeeshaan waxaana ku dhaca cudurada galmada laga qaado oo HIV-ga ka mid yahay.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay ‘Dalalka ugu dhibka badan oo gabar ay ku noolaato’ ayaa waxa lagu eegay dhinacyada waxbarashada, gabdhaha aan gaarin guurka oo la guursado, gabdhaha da’ada yar ee uurka qaada, dhimashada foosha iyo tirada haweenka ee baarlamaanka ku jira.

Dalalka Chad, Niger, Jamhuuriyadda bartamaha Afrika, Mali iyo Soomaaliya, ayaa ku jira kaalimaha ugu hooseeya ee warbixinta.

Gabdhaha qaxootiga ayaa u sahlan in la guuriyo ayaga oo caruur ah

Warbixinta ayaa sheegeysa in gabdhaha ku jira xeryaha qaxootiga iay halis ugu jiraan in loo guuriyo ayaga oo caruura ah

Warbixinta ayaa sheegeysa gabdhaha dhibaatada soo gaartay in ay u badan yihiin in ay noqdaan aroosad iyagoo caruur ah.
Warbxinta ayaa sheegeysa in qoysaska qaxooti badan ay gabdhahooda u guuriyaan, ayaga oo u arka in ay tahay qaab ay uga badbaadayaan saboolnimada iyo faro-xumeyn.

Hay’adda ayaa tusaale u soo qaadatay gabar 13 jir ah oo u dhalatay dalka Suuriya kuna nool dalka Lubnaan, ayna u bixiyeen magaca Saxar, inkasta oo aanu aheyn magceeda saxda ahaa, oo guursatay nin 20 jir ah.

Hadda waxa ay jirtaa 14-sano, waxa ayna leedahay uur laba bilood ah.

“Maalintii arooskeyga, waxaan istusinayay in ay noqneyso maalin weyn laakiin ma aheyn.

Waxa ay aheyd maalin dhib badan. Waxa ay aheyd mid murago badneyd,” Save the Children ayaa hadalkaa ka soo xigatay Saxar.

“Waxaan dareemayaa inay farxad tahay in aan cunug dhalay. Laakiin waxaan ahay cunug, cunug kale korinaya. ”

Warbxinta ayaa sheegeysa gabdhaha in sidoo kale ay dhibaato soo gaarto xilliga ay dhacayaan dhibaatooyinka bani’aadanimada sida caabuqa Ebola ee dalka Sierra Leone, ka dillaacay, kaas oo sababay markii iskuulada la xiray in qiyaastii gabdho gaaraya 14,000 ay uur qaadeen.

Hay’adda caruurta ee Qaramada Midoobay, Unicef, ayaa ku qiyaastay tirada gabdhaha la guursado iyaga oo caruur ah in ay gaarayso 700 oo milyan.

Warbixintan Save the Children ayaa lagu soo beegay maanta oo ah maalinta caalamiga ah ee gabdhaha.

XIGASHO:- BBC







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment