Bulsha:- Fanaanada codka macaan ee Farxiya Fiska iyo seygeeda muusikiistaha Bashiir Hanuuniye ayaa soo rogaal celiyay noloshoodii qoys ahaanshaha ayagoo arkaan doortay in ay u noolaadaan si caadi ah maadaama ay isku soo laabteen xagaagaan, waxaana sawirka sare ka muuqda uu cadeynayaa sida ay dib iskula haleeleen noloshooda cusub ayna fursad kale u siiyeen jaceylkooda.
Bashiir Hanuuniye ayaa soo dhigay sawirkaan bartiisa Facebook iyadoo sawirka ay ka muuqato in labada xiddig ay isku faraxsanyahiin.
Fiska iyo Bashiir ayaa la ogaa in labadooda ay horey isku guursadeen balse ay kala tageen muddo gaaban kadib iyadoo ay labaduba soo kala guursadeen lamaane kale oo kala duwan ugu dambeyna haatan waxaa muuqata inay isku soo laabteen.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment