Bulsha:- Atriishada aflaamta Bollywood ee caanka ah ee Kajol lagu magacaabo ayaa ka hadashay shaqadeeda jilaanimo oo ay horumar ka gaartay iyo nolosheeda xaas ahaanshaha ah. Kajol oo xaas aheyd ilaa sanadkii 1999 oo ay isguursadeen jilaaga Ajay Devgan ayaa sheegtay in guurka uu micnihiisu aheyn in ay u dhamaatay noloshaada iyo shaqadaada dhan balse lasii wadan karo howlahaagu , iyadoo xustay inuusan waligeed guurkeeda ka hor istaagin horumarinta nolosheeda, waxaana muhiim ah bey tiri in labada is qabtaa ay kala saaraan nolosha guurka iyo tan shaqada.
Kajol ooo ku dhawaad labaatan xaas ah ayaa waxey leedahay gabar 13 jir ah iyo wiil 6 jir ah waxaana ay guurkeeda kadib keentay filimo guul ka gaaray Bollywood kuwaasoo ay ka mid yihiin Fanaa, U Me Aur hum, My Name is Khan, We are family iyo Toonpur Ka Superrhero. iyadoo nasasho yar kusoo noqotay filimka Dilwale oo ay la keentay lamaanaheeda shaashadda Shahrukh Khan.

Jilaa.com
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment