Fariin Qof Jaceyl Qarsanayay

Bulsha:- In badan oo aan Jaceylkaada ku qariyay Qalbigeyga waa kan isaga oo haatan banaanka isa soo dhigay iyadoo daaqad walba oo uu furay-na qalbigeyga uu ka qaabilay falaarta Jaceylkaaga iyo labadaada indhood ee qurxoon .

Waa ikan aniga oo ku dhiiraday in aan fariintaan ku soo qoro si aan kuugu muujiyo sida aad qalbigeyga ugu qoran tahay iyadoo qalbigeygana dhaawacan yahay ka dib markii uu xoogeysaty sida aan kuula dhacsanahay , waana igu kocbay mana ka sheegeyn karo Kaligey.

Hala yaabin erayada aan kuu soo qoray maxaa yeelay Jaceylka aan kuu qabo ayaa sidaan iga yeelay oo guud ahaan mil kiyay nafteeyda waxaan ku jeclaaday Jaceyl kan ugu weyn kaasi oo awood u leh in dunida oo dhan uu saameeyo.

Xubin walba oo jirkaada ah waa ay ii yeereysaa , shaqsiyadaada , indhahaaga raganimadaada/naagnimadaada , fadlan baaqaasi oo dhan ee qalbigeyga ka soo baxaya igula eeg qalbi naxariisan.

Hadduu gacmahaaga aan ku soo rido amaanadaasi waxaan rajeynayaa in aan gaarayo Jaceylka macaan ee sareeya , waadna igu farxad gilineysaa in aan gaaro riyooyinkaasi oo dhan .

Haddii waxaase oo dhan aan gaari waayo ogoow in badaha muragada galay oo aan qof aan adiga aheyn aan dooneyn wax walba oo dhaca .

Qaali ku kalsoonaaw in aan kuu ahaanayo daacad .

dhambaal

Jawaabta fariinta:

Qaali/qaaliyoo ogsoonaaw in aan doonayay in aan noqdo qofka ku horeeya fariintaani oo aan doonayay in aniguba kuugu muujiyo baaxada shucuureed ee aan kuu qabo .

Balse mar waliba oo aan qalinka iyo waraqada is dul saaro ayaa waxaa ii diidayay qalbiga oo lahaa hadal ku gudbi fariintaani culus .

Ma qarinayo in aan horay ula dhacsanaa hanaankaada , deganaashahaada isu dheeli tirka quruxdaada , mana la yaabayo in eegitaankeygii uu ii igu filnaa in uu soo bandhigo quruxdaada .

Ku kolsoonaaw qaali/qaaliyoo in aan noolaaneyn la`aantaada oo aan dhibka Jaceylka iyo faa’idooyinkiisa aan kuula qeybsanayo .

Xabiibi/xabiibti waxa uu qalbigeyga u furan yahay in uu qaabilo uu soo dhaweeyo wax walba oo ka soo go’a qalbigaaga daacadna waan kuu ahay si aan guul u gaarno







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment