3 Maalmood ayuu Koomo ku jirey, markuu soo naaxeyna wuxuu ku hadley Luuqad uusan weligiis….

Bulsha:- Nin u dhashay dalka Mareykanka ayaa galay koomo muddo seddex maalin ah, balse markii uu kasoo kacaykoomadii ayuu si la yaab leh ku ilooway luqadiisa hooyo taasoo aheyd Ingiriis waxa uuna bilaabay inuu durbo ku hadlo luqada Spain.

16 Sanno jirkan koomada galay waxaa lagu magacaa Rueben Nsemoh waxa uu dagan yahay bariga magaalada Miami ee gobolka Florida, dhaawac dhanka maskaxda ah ayaa soo gaaray Robin isaga oo ku guda jiray ciyaarista kubadda cagta taasoo aad ugu waalnaa wiilkan, Robin waxaa ku dhacday laad xoogan isaga oo ku jira shabaqa goolkiisa.

Aabaha dhalay wiilkan 16 sanno jirka ah ayaa sheegay inuusan wiilkiisa weligiis ku hadlin luqada Spain wallow qaar kamid ah saaxiibadiisa ay yihiin Spanish.


Warbaahinta dalka Mareykanka ayaase ka qortay cinwaano kala duwan kuwaasoo ay kaga hadlayeen xaaladan qariibka ah ee ku dhacday wiilkan dhaqaatiirta daaweysan wiilkan ayaase sheegeen in luqada uu ku hadlay ee Spainish ka ay tahay saameynta ay saaxiibadiisa ku yeesheen isaga, waxa ayna sidoo kale ka dhawaajiyeen in wiilkan uu bilaabi doono barashada luqada Ingiriiska.

Ururka qaabilsan baarista cudurada ku dhaca dhimirka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (TBI) ayaa sheegay in jugta ka gaartay maskaxda Robin ay tahay heerka seddexaad taasoo ay macquul tahay inuu dib u helo xusuustiisii hore muddo gaaban, wallow ay dhacdo bey yiraahdaan inuusan weligiis dib u helin xusuustii mar dambe.

Goobjooga.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment