Angelina Jolie oo Saacado ay Su’aalo Weydiiyeen FBI-da.

Bulsha:- Atirishada Hollywood-ka ka tirsan Angelina Jolie waxay ku qaadatay 4-saac oo xariir ah inay ka jawaabto su’aalo ay weydiiyeen waaxda baaritaanka gudaha Mareekanka Federal Bureau of Investigation (FBI).

Angelina Jolie waxyaabaha laga wareysanaayay waxay u badnaayeen gacan qaadkii uu seygeeda Brad Pitt ku sameeyay wiilkeeda 15-ka jir ah xili ay diyaarad qaas ah wada saarnaayeen.

Brad Pitt ayaa u gacan qaaday ama jirdilay wiilka uu sharci ahaan aqbalay inuu aabo u noqdo Maddox oo 15-jir ah sidoo kalena Angelina Jolie soo korsatay xili ay qoyskaan diyaarad u gaar ah wada saarnaayeen!

Waxaa la sheegay falkaan markuu dhacay in Angelina Jolie ay 14-ka bishii September maxkamada ka dacwootay sidoo kalena dalbatay in Brad Pitt oo isagana ah jilaa Hollywood-ka ka tirso uu furo haatana dacwadaas wey socotaa.

FBI Mareekanka ayaa Angelina Jolie weydiiyay waxa dhacay intii diyaarada ay qosykaan wada saarnaayeen xili la xaqiijiyay in Brad Pitt oo qamri cabsanaa inuu Maddox oo caruur ah jirdilay arinkaana ay Angelina waxba ka qaban weysay.

Angelina Jolie ayaa la sheegay inay FBI-da si wacan ula shaqeesay sidoo kalena uga jawaabtay su’aal walbo oo la weydiiyay wareysigii socday mudada 4-saac ahayd.
Waxaa la filaa in FBI in baaritaan dheeraad ah sii sameyn doonaan todobaadyada nagu soo fool leh, kadibna kiiskan horey ayaa loo sii wadi doonaa ilaa Brad Pitt maxkamad laga soo taagayo inuu caruur jirdilay midaas oo bilooyin qaadan karto kiiskan xariga ka dhalan karo!

Angelina Jolie iyo Brad Pitt ma doonayaan in kiiskan uu sii daba dheeraado balse haatan wax walbo gacantooda wey ka baxday waxaana la sheegay in fadeexad badan oo caalamka ka qarsaneyd banaanka lasoo dhigi doono marba hadii FBI gacanta kiiskan lasoo gashay.

Sidoo kale waaxda daryeelka iyo ka warqabta caruurta Mareekanka ayaa wareesatay Angelina Jolie, Brad Pitt iyo caruurta ay waalidka u yihiin oo isugu jiraan sedex ay soo korsadeen iyo sedex ay dhaleen Maddox (15-jir), Pax (12-jir), Zahara (11-jir), Shiloh (10-jir) iyo labada mataanaha 8-jirka ah ee lagu kala magacaabo Knox iyo Vivienne.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment