Bulsha:- Liiska dadka lacagta leh ee Shiinaha ayaa mar kale sheegaya in dadka lacagta balaayiinta dollar haysta ee Shiinaha ay ka badan yihiin kuwa Maraykanka, ayna kordhayaan.
Ninka ka ganacsada guryaha ee Wang Jianlin ee shirkadda Dalian Wanda, ayaa ugu horeeya liiska 594 qof ee balaayiinta dollar leh ee Shiinaha iyadoo ka horaysa 535 qof oo Maraykan ah ee balaayiinta dollar leh.
Wang Jianlin oo leh Dalian Wanda ayaa wali ah qofka ugu lacagta badan Shiinaha
Ninka iska leh Alibaba ee Jack Ma, ayaa galay kaalinta labaad, iyadoo lacagtiisii ay korortay 41% intii ay sanadkii hore ahayd.
Liiskan sanadlaha ah ayaa waxaa soo saaray Hurun oo lala barbardhigo liiska Forbes ee ka soo baxa Maraykanka.
Warbixinta Hurun ayaa la soo saarayay siddeed iyo tobankii sano ee ugu danbeeyay.
Laakiin, taajiriinta Shiinaha ayaan ka mid ahayn labaatanka qof ee ugu lacagta badan adduunka.
Ninka ugu horeeya dadka lacagta leh ee Shiinaha Wang Jianlin, ayaa haysta lacag dhan $32.1 oo bilyan.
Jack Ma oo leh Alibaba ayaa ku xiga oo leh $30.6 oo bilyan, Pony Ma oo leh Tencent ee ciyaaraha internetka ayaa ah qofka saddexaad ee ugu lacagta badan Shiinaha isagoo leh $24.6 bilyan.
Sorce : BBCSOMALI

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment