Bulsha:- Waxa la yidhi, nin baa naag wanaagsan qabay. Maalin maalmaha ka mid ah baa nin kale naagtiisii u yimi, markasuu arkay inay aad u qurux badantahay. Ninkiibaa wuxuu damcay inuu ninka naagta kala baxooo guursado. Kolkaasuu naagtii ku yidhi, "Naa, ninkaagu waa nacase aan ku guursado?"
Markaasay nagtii tidhi, " Ninkayga nin aan ku doorsanayaa ma jiro’e malaha qoyskiina oo qoyskooda ka fara badan baad ugu faanaysaa!" Ku ye " Mayee anaa kaa og oo ninkaagu waa fule." Markaasay tidhi, "Hadalkaasi mid aan kaa maqlayo ma ahee, hadal kale ma haysaa?".
Wuxuu yidhi, "Adigu bal I raac hadalkaygu inuu been yahay iyo in kale aad aragtide, elleen haduu ninkaagu nin rag ah yahay ficilkiisay ka muuqan doontaaye.
Markaasay ku tidhi, "Waar ku raaci maayee hadaad raganimadiisa tijaabinayso aqalka dabadiisa kula shax oo hadal dahsoon kula hadal bal inuu garto". Markaasuu yidhi, "Waayahaye berri baan la shaxi doonaa". Iyadiina ninkeedii waxba umay sheegin.
Malintii dambuu soo noqday ninkii guriga lahaa oo jooga, markaasuu yidhi, "Waar hebelow, soo kac aan aqalka dabadiisa ku shaxno’e". Aqalka dabadiisii bay shaxdii ka jeexdeen naagtiina way dhagaysanaysaa.
Kii damaaciga ahaa baa hor jaraynayay. Markaasuu intaanuu godkiisii dagin gabyay, wuxuu yidhi;
" Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde"
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye"
Tanaan dagay
Markaasaa ninkii naagta qabay ujeedadiisii gartay oo yidhi;
"Geenyada nin lihi qoofashee qololka daaqaysa
qiyaasli’i ninkii qaadayow qoomamaa xigiye"
Tanaan dagay
Damaacigii baa gabygii ku noqday oo yidhi;
"Qunbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
miyaad qoonsanaysaa hadii gaajo noo qabatay"
Tanaan dagay
Markaasuu ninkii naagta qabayna soo rogaal celiyay;
"Qunba malaboo meel qotoma oon cidi qadhiidhaynin
qooraansigiisaa ka daran quud aan la cunayne"
Tanaan dagay
Damaacigii baa hadana yidhi;
"Nin adoogii toban qaalin dhalay qolona kuu sheegtay
miyaad qoonsanaysaa haduu gabadha kaa qaado"
Kii naagta qabay baa yidhi;
"Nin adoogii qudh kaliya dhalay qiimmina u jooga
Miyaad qoonsaysaa haduu rubadda kaa qaado"
Intaa markuu yidh buu toorreydiisii la soo baxay oo garka wadnaha ku kala jaray. Ninkuu dilay reerkoodii buu u tegay oo ku yidhi ninkii anaa dilay waxaasaanan ku dilay e magtiisii ma qaadanaysaan. Ninkii magtii baa laga qaatay godobinna may raacin.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment