DAAWO: Maxey tahay sababta uu bilyoneerka iska leh shabakadda Facebook u qabo hal funaanad kaliya?

Bulsha:- Mark Zuckerberg oo ah milkiilaha shabakada caanka ah ee Facebook ahna bilyaneerka dunida ugu yar ayaa la isweydiiyay sababta keentay in uu maalinkasta ku lebbisto hal funaanad oo nooca qafiifka ah taasoo ah hal midab waliba oo uusan iska bedelin waxaana ay dadka fursad u heleen in ay weydiiyaan asigoo si toos ah ugu jira qadka Facebook asigoo uga jawaabay arrinkaasi.

Qof ayaa usoo qoray Mark sababta uu asigoo taajir weyn ah uu maalin kasta hal nooc oo funaanad ah u wato ? Balse Mark Zuckerberg ayaa yiri ”

Facebook CEO Mark Zuckerberg waves to the audience as he arrives for a speech at the Mobile World Congress wireless show in Barcelona, Spain, Monday, Feb. 22, 2016.

Waa run waxaan qaataa hal funaanad oo aan waliba sanado badan ku labisanahay waana ku labisnaan doonaa noocaas oo wax kale oo iyada aan aheyn ma lihi sababtana waxey tahay inaan doonayn inaan waqti ku lumiyo dhar badan oo kala duwan oo aan ka fekeri lahaa sidaan iskugu qaadanayo iyo sidaan ugu soo baxayo  taasoo aan u arko waqti lumis haatan funaanadan waa hal nooc iyada kaliya ayaa ii taal noocaas ayaana xertaa subax waliba si aan waqtigeyga kale oo aan labbis ku baxin lahaa ugu qabsado wax kale oo nafteyda ama nolosha umadda qiimo u leh.

Zuckerberg oo 32 jir ah  ayaa funaanadda noocaan ah wata wata ilaa sanadkii 2004 oo aheyd markuu  aas aasay bogga Facebook oo uu curiyay milkidiisana leeyahay. Waxaa uu bilyoonaarkan yahay nin jecel dabacsanaanta asigoo xataa ku socda kabo dacas ah kuna taga shirarka caalamiga ah. 






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment