Ninkaan cunsuri ayuu ahaa Muslimiinta neceb maantana waxa uu qaatay Islaamka

Bulsha:- Nin Swedish ah oo horay u ahaan jiray cunsuri aad u neceb soo galootiga iyo Muslimiinta ayaa dhawaan qaatay diinta Islaamka isagoo qisadiisa ku daabacay bogga Facebook. Ninkaan oo lagu magaccaabo Jörgen ayaa 10-sano ka hor waxa uu ahaa mid aad u taageera xisbiga cunsuriga ah ee SD iyo xisbiga Moderaterna (M) isagoo aad u necbaa soo galootiga.


Waxa uu soo qoray in uu ahaa mid neceb soo galootiga, oo aaminsanaa fikrado aad u kulul oo ku saabsan soo galootiga iyo dadka faqiirka ah. Waxa uu ahaa nin ku sugan xaalad aan degenayn oo fikradahiisa ay ahaayeen kuwo naceyb ka buuxo. Balse dhowr sano ka hor ayuu bilaabay in uu dhex galo soo galootiga, isagoo aad u jeclaaday sida ay u soo dhaweeyeen iyo sida u xushmeeyeen. Isagoo markaasi ka dib bilaabay in uu ka leexdo wadadii naceybka oo uu isaga haray cunsuriyada iyo fikradaha xumaanta ah.


Lix bilood ka hor ayuu Jörgen noqday Muslim isagoo shahaadada qiray. Sababta ayuu ku sheegay in uu aad u jeclaaday fariinta diinta Islaamka ee ku dhisan jaceylka bani’aadamka iyo nabiyada sida Muuse, Ciise (cs). 


Jörgen ayaa sheegay in markii uu shahaadada qiray uu isku dayay in uu sameeyo dhamaan waxyaabaha ay ka doonayso diintu balse taasi ayaa ku noqotay culeys isagoo hadda bilaabay in uu si tartiib ah u dhaqan-galiyo qeybaha kala duwan ee diinta sida salaada, sadaqada iwm.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment