Bulsha:- Cayaaryahanka Kubadda cagta u dhashay Portugal una cayaara kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa ku qabsaday gabar model ah oo xayeysiisa dharka dabaasha oo lagu magacaabo Kristina Peric taas oo kasoo jeeda dalka Serbia.
Gabadhaan modelka ah ayaa waxey u egyahay oo aan laga aqoon haweeneydii uu horey Ronaldo ula socdan jiray mudada dheer ee Irina Sheyk taas oo u dhalatay Ruushka balse ay kala hareen Ronaldo balse haatan la socota ama la saaxiib ah jilaaga Hollywood ee lagu magacaabo Bradley Cooper.
Ronaldo ayaa isagu ka helo inuu la socdo haweenka kuwa modelka ah ee quruxda badan balse xeriirkooda ma noqdo mid guuleysta sababtoo ah Ronaldo waxey ku eedeeyaan dumarkaasi inuusan u dhaqmin sida shaqsi lacag haysta oo caan ah ee uu dhaqmo sida nin cayaalka xaafada ah.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment