Bulsha:- Haddii aad boodi goobeyso in aad ogaato waxa ay dumarka doonayaan ka dib guurka waxa ay gaaloos.com ku siineysaa dhowr arin oo ay muhiim tahay in aad wax ka ogaato.
Kalgaceyl : haween waliba waxa ay baadi goobaan nin u muujiya macnaha dhabta ah ee jaceylka kana qarin dareemihiisa Jaceyl ee uu u hayo .
Waa nin xittaa bulsahda dhexdeeda ku qarin sida uu ula tacajubsan yahay lamaantiisa , waxa ay haweenka ka helaan nin weydiiya waxa ay xiiseyneyso .
Kalsooni :haweeneyda waligeed xariir lama yeeelato nin aan awoodin muujinta ra`yigiisaa ama u dagaalami karin waxa uu doonayo balse waxa ay dooneysaa nin isku kalsoon oo garanaya waxa uu doonayo iyo sida uu uga gun gaari karo waxa uu tiigsanyo , ma jecla nin dad kale raaco oo koobiyeeya balse waxa ay ka heshaa nin ku qanacsan shaqsiyadiisa.
Daacadnimo : si waliba oo uu ninka u yahay mid guuleysta , caqli badan aadna u qurux badan haddii ay haweeneyda ku aragato qiyaano ama oofin la`aan dhanka balanta ah waa ay ka carartaa , baxdo.com waxa ay ku leedahay waxa ay haweeneyda dooneysaa nin ay ku dareento ammaan dhanka xariirka jaceylka ah .
Go`aan Iyo Xikmad : waxa ay haweeneyda raadisaa nin ay ku tiirsanaan karto gaar ahaan waqtiga dhibka jiro , waxa ay u baahan tahay nin leh xikmad fog isla markaana talaabadiisa fududahay kaasi oo ka caawin kara in wadadii saxda aheyd ay ku soo laabato.
Haweeneyda waxa ay dooneysaa nin awoodda in xaaladda uu ku soo celiya wadada saxda ah marka ay u dhawaadaan fashil .
Gacan Furnaan :waligeed kuma fikirto haweeneyda ninka gacanta adag oo bakhiilka ah sidoo kalana ma jecla ninka wax ku dheelka badan balse kan dhex dhexaadka ah ayay ka heshaa , kaliya bakhhilnimada ma aha dhanka maaliyadda ee xittaa dhanka dareemaha oo marka ay dood dhex marto waxa ay ka dooneysaa in uu xod xodasho ku sameeyo

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment