Bulsha:- Raggu ma iloobaan haweenka sabarka badan ee u dul qaata dhibaatooyinka kala duwan kalana qeyb gala cadaadiska mararka qaar noloshiisa kusoo kororta murugadeed.
Waxa ayna u noqotaa badbaado iyo difaac adag oo raggu ay ku gambadaan xilliyada dhibaatooyinka.
Haweeneydiisu waa mida kor u qaada waxyaabaha uu haminaya kuna dhiiragelisa si fiicanna u ogsoon xilliga looga baahan yahay in ninkeeda ay u soo xaadirto sidoo kalenaogsoon waxa ay ku oranaeyso si naxariis iyo kalgaceyl ay kujirto una sabreysa illaa sidii ay ku baratay uu kusoo laabto kulana dhaqmeysa xikmad iyo caqli…. Tani waa haweenka raggu aysan marnaba iloobi Karin si waliba oo xaalku noqdo.
Haweeneyda caqliga badan:
Haweeneyda caqliga badan waa mida si wanaagsan u garata sida loola dhaqmo ragga nolosha kula shirkoobayo fahmeysana nin waliba dabeecadihiisa u gaarka ah ogsoonna xilliga ay la sheekeysaneyso iyo xilliga ay dalbeyso iyo sidoo kale xilliyada ay ka aamuseyso iyo xilliyada ay dhageysaneyso keliyana intaasi aan ku ekeysaneynin hayeeshee ogsoon sida ninkeeda uu kusoo muuqan karo oo horumar uu ku gaari karo.
Iyada oo kalsooni ku qabta naftiisa dhiiragelin saa’id ahna u sameyneysa… Haweeneydani waa mida aan ninkeeda marnaba iloobi Karin waayo waa lamaane lagu aflaxay, wuxuuna ninku dareemayaa mar waliba oo akteeda uu joogo fikrad yookeeda sareyso oo hadana xeel dheer mar waliba oo iyada uu lajoogo.
Haweeneyda dhalmada badan.
Haweeneyda dhalmadabadan waxay ka dhigeysaa ninka nolosha kula wadaaga nin rag oo kalsooni qaba, mar waliba oo dhalmadeeda uu siyaado wuxuu dareemayaa ninka raganimadiisa in ay sii korortay waliba si saa’id ah iyada oo aan isku dayin in ay kakeensato arrinkaasi ama sidoo kale uu u yeesho fiiro gaar ah sheekadeeda xilliyada uu labisanayo iyo xilliyada uu la fadhiisanayo.
Nninka waxa uu dareemayaa xilliyadaasi raganimo dheeri oo xaqiiqi ah xittaa haddii uu duqoobo… haweeneydani waa mida ninkeeda uu jeclaanayo uuna jeclaanayo iyad oo dhan marna ka suurageli meyso in uu iloobo.
Haweeneyda Qurxoon.
Ninku iloobi mayo Haweeney qurux badan oo dhexdeedu diiran tahay lehna shaqsiyad deganaan ah nafteydana is hagaajineysa jecelna deganaanta iyo madax banaanida oo aanu ninka ku dedejin waxyaabaha qaar xilliyada uu buuqsan yahay kana dhiganeysa xilliyadaasi oo kale waxa ay kaashato caqli iyo qurux lasocota deganaan.
Haweeneydaasi waa tan raggu ay fiirada gaarka ah siisa una muujisa quruxdeeda kana dhowra indho aan tiisa aheyn, hami gooni ah ayay raggu siiyaan mana ku keliyeeyotaasi oo kale nolosha.
Haweeneyda lama filaan ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment