Galmada nuucaan Haweenku Waligood Ragga Kama Cafiyaan Mana U Sheegaan

Bulsha:- Arimo badan ayaa jira oo haweeneyda si xogan uga careysiiya balse la yaabku waxa uu yahay inta badan ragooda uma sheegaan waxa ayna door bidaan in ninka iskiisa u garto arimahaas , 

waxa ayna u soo bandhigeyn iyaga oo ka baqaya in tashwiish uu ku furo xariirkooda, hadaba baxdo.com ayaa ku sheegeysaa arimahaas .

Ninka Is Qanciyay: waa isaga oo is cajabiyay qaab waliba isuna arka in haweenka uu ku qasbi karo in jaceylkiisa uu ku dhaco, arintaan haweenka aad ayay uga caroodaan balse waa ay qarsadaan iyaga oo ka cararaya in bur bur qoys keento .
Ka Been Sheegidda Dareemaha: haweeneyda wax waliba ninka waa ka cafisaa marka laga reebo ka been sheegidda dareemaha . haweeneyda waa ay garaneysa marka ninkeedu leeyahay waan ku jeclahay in uu ula jeedo raali gilinteeda xiligaas ama ay ka tahay dareen dhab ah oo ka imaanaya xagiisa, ogoow haweenka waligood ma ilaawaan ninka ka been sheega dareemahiisa.
Garaacista Iyo Cayda(Aflagaado) Haweeneyda hal hal ayay u xasuusnaataa xumeynta ninka uu ku sameeyay intii lagu guda jiray waqtigii mushaakilaadka iyo qilaafaadka qoyska , ogaaw ninka si waliba oo uu uga cudur daarto una raali giliyo ma ilaawaan cayda iyo garaciista , waana xanuun mar waliba ay dib u soo kocoto.

Yasid Iyada Ah Ama Ehelkeeda: Arimo badan ayay hawaneeyda ka saamaxdaa ninkeeda balse waa ay ku adag tahay yasidda iyo bahdlidda iyada lagu sameeyo ama qoyskeeda in si sahal ah ku cafiso ogoow haweeneyda waxa ay jecashay ninka ixtiraama iyada iyo ehelkeeda.

In Haweeneyda Laga Qeyb Giliyo Goaanada Guriga: Haweeneyda wanaag iyo ixtiraam ayay u aragtaa in ninkeeda kala tashato arimo badan oo ay wax ku darsato goaanada guriga hadii ixtiraamkaas ay weyso waxa ay dareemeysa in ay tahay alaab guriga iska taal ee ninyahoow go`anada noloshiina fursad u sii xaaskaada in ay kaala qeyb qaadato.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment