Madaxweynaha Mareykanka oo baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Philippine

Bulsha:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa baajiyay kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte, kadib markii weerar afka ah lagu qaado.

Labada Madaxweyne ayaa ka qeyb galaya shirka wadamada koofur bari Asia oo ka dhacaya dalka Laos, waana markii u horeysay Madaxweyne Mareykan ah uu tago dalka Laos oo ah dal uu horay u gumeystay Faransiiska.

Madaxweynaha Philippine Duterte ayaa dhowaan si kulul u weeraray Madaxweynaha Mareykanka, isagoo ku tilmaamay canug ay dhashay habar jirkeeda ka ganacsatada.


Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid weerar shaqsi ah, isla markaana Madaxweyne Obama uu go’aansaday inuu la kulmo Madaxweynaha Koofurta Kuuriya

Obama ayaa horay ugu eedeeyay Madaxweynaha Philippine Rodrigo Duterte inuu taageero dadka ka ganacsada mukhaadaraadka, isla markaana geysta xadgudubyo isugu jira dilal, iyadoo aan wax maxkamad la soo taagin.

Qaramada Midoobey ayaa marar badan ku cambaareysay Madaxweynaha Philippine siyaasadiisa ku wajahan xuquuqul isnaanka iyo sida uu ugu tuntay qawaaniinta caalamiga ah.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment