Bulsha:- Waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in sedexda jilaa ee aan kala dhicin Kriti Sanon, Ayushmann Khurrana iyo Rajkummar Rao inay filim cusub kasoo wada muuqan doonaan.
Filimkaan waxaa lagu magacaabaa Bareily Ki Barfi. waxaana iska leh filim sameeyaha lagu magacaabo Ashwiny Iyer Tiwari.
Filimkaan waxaa shactiro iyo jaceyl isku jiro waxaana lagu duubi doonaa gobolka Uttar Pradesh waxaana xiiso badan in Kriti Sanon, Ayushmann Khurrana iyo Rajkummar Rao hogaamiye looga dhigay.
Priti Shahani oo ah madaxa shirkada Junglee Pictures ee filimkaan wax ka maal galineyso ayaa xaqiijiyay in duubis lagu bilaabi doono todobaadka ugu horeeyo bisha October 2016.
Filimka Bareily Ki Barfi wuxuu Ayushmann Khurran ku matali doonaa wiil iska leh madbacada buugaaga daabacdo halka Rajkummar Rao uu isagana ku jili doono qoraa buugaagta caanka ah qoro halka Kriti Sanon ayay ku matali doonto gabar aqoon yahan ah oo isbadal doon ah sidoo kalena jecel in dadka gobolkeeda ku nool hormaraan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment