Salman Khan Iyo Harshaali Malhotra Oo Markale Wada Shaqeyn Doona

Bulsha:- Marnaba ma hilmaami karno hal sano ka hor Mega Star Salman Khan iyo quruxleydiisa Harshaali Malhotra (Munni) sidii ay qof walbo qalbigiisa u badaleen madaama filimkii Classic ahaa Bajrangi Bhaijaan dunida dareenkeeda ku badaleen.

Haatan waxaa la sheegay in Salman iyo Harshaali Malhotra markale wada shaqeyn balse filim dhameestiran kama soo wada muuqan doonaa laakiin Video xayeysiin ah ayay wada sameyn doonaan.

Waxaa la sheegay xayeysiintaan shirkad buskut-ka soo saarto loo sameenayo in Salman Khan diirada lagu saari doono balse qaybaha ugu qaybaha ugu dambeeyo ee xayeysiintaan ayay Harshaali Malhotra kasoo muuqan doontaa.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xayeysiintaan lagu soo dhex dari doono ama muusig looga dhigi doono heesta hirgashay ‘Selfie Le Le‘ ee Salman Khan filimkiisii Bajrangi Bhaijaan ku jirtay.

Qof walbo wuxuu dhowrayaa inuu Harshaali Malhotra oo filim kale sameyso waayo gabadhaan caruurta ah Bajrangi Bhaijaan kadib filimo badan ayay iska diiday inay kasoo muuqato.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment