Filimka Nolosha Sanjay Dutt oo Aamir Khan Oo Ku Matali Doono Aabaha Dhalay Ranbi

Bulsha:- Aqbaar weyn ayaa lasoo tabinayaa oo ah in Mr. Perfectionist Aamir Khan uu aqbalay inuu wax ka jilo filimka nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayo ee uu iska leeyahay Director Rajkumar Hirani.

Aamir iyo Hirani waa labo saaxiibo oo aad isugu dhow waxayna horey u wada sameeyeen labada filim ee Classic ah sheeko ahaan iy ganacsi ahaan 3 Idiots iyo PK.

Sidaa darteed Aamir Khan ayaa la sheegay inuu saaxiibkiis Hirani ka aqbalay in filimka nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayo uu ku matalo Ranbir Kapoor aabihiis.

Filimkaan Ranbir Kapoor ayaa atoore kowaad ka ah sidoo kalena ku matali doono Sanjay Dutt noloshiisa min bilaaw ilaa dhamaad wuxuuna ka mid yahay filimada sida weyn loo hadal haayo.

Wargeska Pinkvilla ayaa sheegay in Aamir Khan uu ka helay sheekada filimkaan markii lala wadaagay wuxuuna madaxa u ruxay inuu Sunil Dutt oo ah Sanjay Dutt aabihiis ku matalo filimkaan fariinta xaqiiqada ku saleesan xambaarsan.

Filimkaan waxaa duubis lagu bilaabi doonaa Janaayo 2017 qorshahana wuxuu yahay in la daawado December 2017 gaar ahaan todobaadka ciida masiixiga (Christmas Week).






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment