George Clooney Iyo Xaaskiisa Amal Clooney Oo Si Xarago Ku Dheehan Mooto Ku Dhex wata LA

Bulsha:- Ruug cadaaga Hollywood-ka heerka sare ka gaaray George Clooney iyo xaaskiisa quruxda badan Amal Clooney ayaa si xarago ku dheehan mooto ku dhex wateen bartamaha Los Angeles xili ay nasiino ku jiraan.

George Clooney iyo xaaskiisa qareenka xuquuqda aadanaha u dooda ah Amal Clooney waxay ka wada siman yihiin inay wada jecel yihiin wadashada mootoda xawaaraheeda dheereeyo.

Sidaa darteed waxat dalxiis iyo damaashaad ka dhigteen inay Los Angeles ku dhex wataan mooto soo jiidasho leh ayagoo sidoo kalena hab Fashion ah u labisnaayeen.
George Clooney oo 55-jir ah wuxuu si rasmi ah u guursaday Amal Alamuddin oo ah British asal ahaa Lebanon kasoo jeedo 27 September sanadii 2014.

Dhinaca shaqada George Clooney filimkiisii ugu dambeeyay ee sanadkaan usoo baxay wuxuu ahaa Money Monster oo ay la jishay Julia Roberts.

Filimka Money Monster waxaa la daawaday 13 May 2016 wuxuuna filimkaan si rasmi ah gudaha Mareekanka uga soo xareeyay $41M halka daafaha caalamka uu ka keenay $52M taasi oo ka dhigan wadar ahaan inuu sameeyay ganacsi ah $93M waxaana filimkaan sheekadiisa laga wada helay lagu qarash gareeyay $27M taasi oo ka dhigan inuu guul wacan gaaray.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment