Bulsha:- Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay sheeko layaab lagu Tilmaamay oo ka dhacday Garoon lagu dheelo kubada Cagta oo kuyaala dalkaas Waxaana Taageerayaal katirsan koox dhawaan u soo dalacday Heerka ay Sameeyeen sheekada layaabka noqotey.
Taageerayaasha Naadiga Dynamo Dresden ayaa Garoonka ku soo dhex tuuray Markaliya Madaxa dibi weyn oo ay qaleen Waxaan socotey Cayaar koobka Jarmalka ah oo ay ladheelayeen Naadi ay aad isku necebyiin oo ah kooxda RB Leipzig.
Arintaan ayaa layaab ku abuurtay dhamaan dadkii kusugnaa Garoonka waxaana Garsoorihii Cayaarta uu joojiyey mudo kooban kadib markii lagaran waayey Markii halka laga soo Tuuray Madaxa dibiga oo lasoo Gooyey Waxaan kadib la ogaaday in ay soo Tuureen Taageerayaasha kooxda Dynamo Dresden Waxa ayna uga danlahaayeen in ay ugu goodiyaan kuwa soo horjeeda oo ay dhahaan sidaas oo kale ayaan idiin qalaynaa.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment