Gabar Soomaaliyeed Oo lagu tijaabiyey Aalad Aduunka Ku Cusub Oo lagu Guuleystay Taariikhda Ayayna Galaysaa Aduunka Oo Dhan..

Bulsha:- Latifa Siciid waxay noqotey gabadhii ugu horeysey oo loo galiyo kalyo qof dhintey[/caption]Gabar Soomaali ah oo ay kalyaha shaqayn waayeen ayaa laga badalay kalyaha dalka isu taga imaaraadka Carabta, waxayna noqoneysaa qofkii ugu horeeyey ee ebed isbitaalada dalkaasi ay xubin jirka ka mid ah u badalaan una galiyaan xubin kale oo laga keeney qof dhintey.

Imaaraadka oo dhan hal isbitaal ayaa shati u heysta in uu xubnaha bini’aadamka badalo, waxaana lagu magacaabaa Sheekh Khalifa Medical City, waxaana ogolaanshahaasi bixiyey Golaha caafimaadka Imaaraadka kadib sanooyin badan oo tijaabo ah.

Dowladda iyo bahda caafimaadka dalkaasi ayaa siweyn ugu faanaya wax ay ku tilmaameen horumar weyn oo lagu talaabsaday, kadib markii lagu guuleystey khaliinka gabadhani Soomaaaliyeed loo sameeyey oo noqdey kii ugu horeeyey oo ebed dhaqaatiirta dalkaasi ay fuliyaan. Horaan dadka xubnaha jirka laga badalayo waxa ay ahaayeen kuwa ay ku yaboohaan dad nool.

Xubinta la galiyey Latifa Saciid ayaa waxaa laga heley qof dalka Sucuudiga u dhashay oo u dhintey shil baabuur, waxaana la sheegey in gabadhani oo muddo 16 sano ah tuubooyin lagu dabiibayay in ay is yeesheen kalyaheeda iyo kuwa qofka dhintey.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment