Bulsha:- Waxaa jira waxyaabo badan oo waqtiga xulashada aadan arki karin balse loo baahanayhay inaad mar waliba maankaaga ku heyso beri kolkaad aragtana aad qibrad ka heysato.
Gabadhu waxaa jira waqtiyo badan oo ay dabeecad ahaan lasoo baxdo waji kale balse waa kuwa ay dumarka oo dhan kawada simayihiin waxaana haboon inaad maankaaga ku heyso waqtiyadaan hoos ku xusan.
Gabadhu waxaa suurta gal ah ineey iska dhex dareento buuq iyo Stress joogta ah mararka ay caadada qabto waqtiyadaasna inta badan maankaaga ku haay in Xaaskaagu aysan lasoo bixin waji cusub iyo dabeecad xumo ayna tahay wax iska dabiici ah.
Dhanka kale hadii uu Alle siiyo wax awlaad ah kolka ay walaca tahay waa mid aad u door bida ineey banaanada kusoo caweeyso ka dheeraato gurigeeda rasmiga ah , haka madax adeegin hadii ay dagaal kuula timaadna u daji xaalka.
Waqtiyadaas iyo kuwa kaloo badan waxaa suurta gal ah in gabadhu ay lasoo baxdo iyadoona labo erey kadib kugu tiraah i fur iyo wax lamid ah , Xarfaan iska dhig haku deg degin furiinka .

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment